Hangoolnews.com
Madaxa Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Si Qabyaaladaysan U Kala Wareejiyey Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Iyo Cabasho Ay Ka Muujiyeen
March 12, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews)Qaar ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala dawlada Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyey madaxa shaqaalaha ee Dawlada Hoose Cali Maxamed Yuusuf kaasi oo shaqaalaha ka hawl gala xarunta dhexe ee dawlada hoose ku sameeyey isku badal aanay ogayn maamulka sare ee dawlada hoose

dawlada-hoose-hargey

Qaar ka mid ah Shaqaalaha isku dabalka lagu sameeyey oo la hadlay Shabakada Hangoolnews ayaa waxay sheegeen in isku badelkani uu ku sameeyey Madaxa shaqalaaha dawlada hoose ee hargeisa in ka badan 80 qof oo ka mid ah shaqaalaha sida joogtada ah ugu soo xaadira hawl maalmeedkooda shaqo,

Dhinaca kale sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha isku bedelka lagu sameeyey waxay sheegeen in ay jiraan shaqaale kale oo tiro badan kuwaasi oo aan kasoo xaadirin xafiisyada shaqo halka qaar kalena ay fadhiyaan xafiisyo xidhan oo aan shaqo maalmeedkoodu si toos ah u shaqayn iyada oo shaqaalahaasi ay u badan yihiin qaar ay isku beel kasoo jeedaaan madaxa shaqalaha cali Maxamed Yuusuf kuwaasi oo aanu dabagal ku samayn hawlahooda shaqo ,

Isku badalka ayaa ka danbeeyey kadib xafiiska waaxda arimaha bulshadu uu ka codsaaday madaxa shaqaalaha in uu siiyo shaqaale dheeri ah kadib markii ay xafiiska waaxdaasi kasoo xaadiri waayeen shaqadii xafiiska waaxda arimaha bulshada ee dawlada hoose,

Cabashada shaqaalahan ayaa ka danbaysay kadib isku bedelkaasi uu sameeyey madaxa waaxda shaqaalaha dawlada hoose iyada oo aanay la socon maamulka dawlada hoose kuwaasi oo iyagu saxeex ku leh marka loo baahdo isku badelka shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala dawlada Hoose ee hargeisa,

Dhacdan ayaa ah mid ku cusub dawlada hoose ee hargeisa iyada oo todobaadyadii ugu danbeeyey aanu kasoo xaadirin xarunta dawlada hoose maayar iyo maayer kuxigeenka.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News