Hangoolnews.com
Afhayeenka Xisbiga Waddani Muxuu ka yidhi Wararka Sheegaya in Xilkii Laga Qaadey
March 12, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews) Afhayeenka xisbiga Wadani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa maanta si cad u beeniyay warar ay warbaahintu qoraysay oo sheegaya in laga qaday xilkii afhayeenka xisbiga wadani.

Waxaana uu xildhibaanku waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas isaga oo sheegayna inay yihiin warar aan sal iyo raad toona lahayn waxaana uu yidhi

“Baryahanba way iska socotay sheekadaasi mana aha kaligay ee waa madaxda xisbiga oodhan oo ayaa dacaayado laga qorayay, kolay wax iska cusubna maaha ee waxya muujinaysaa kor u kaca uu xisbigu samaynayo oo dadka kasoo horjeeda ay camal ka dhigtaan daacayadaha raqiiska ah inay faafiyaan, waana warar aan sal iyo raad toona lahay bulshaduna waa og tahay inaanay waxaa waxba ka jirin lamina garanayo halka laga keenay aniguna isma casilayo xilna laygama qaadin waana ahaanayaa Wadani’Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

Si kasteba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay afhayeenka Wadani Xil Ibraahin ayaa kusoo beegmaya xil ay warbaahinta qaar qorayeen in xilka laga qaaday afhayeenka xisbiga wadani.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News