Hangoolnews.com
Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Ku Aadan Isbahaysiga Kulmiye
March 11, 2016 - Written by Hangool News
Photo File Ex Wasiir Maxamed Biixi yonis

Photo File Ex Wasiir Maxamed Biixi yonis

Adis-ababa(Hangoolnews)Wasiirkii hore ee arrimaha debadda kana mid ahaa Saddexdii Murrashax ee qaadacay shirweynihii Xisbiga KULMIYE ee qabsoomay sannadkii hore, Maxamed Biixi Yoonis ayaa cadeeyay inuu la mawqif yahay saxiibadiisa Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE oo wadahadalo la furay Xisbiga WADDANI.

Maxamed Biixi Yoonis oo ku sugan Waddanka Itoobiya  Caasimaddiisa Addis-ababa, ayaa waraysi kooban oo uu siiyay Wargayska Somalilandtoday wuxuu yidhi “Dabcan Isbahaysiga KULMIYE kamid baan ahay, la fekerna waan ahay isku tallo-na waanu nahay”.

Maxamed Biixi Yoonis oo aanu waydiinay maadaama oo dhinacyada ay wadahadalada la fureen magacabayaan guddiyo, goorta uu dalka ku soo laabanaayo wuxuu yidhi. “Insha allah sida ugu dhakhsaha badan ayaan waddanka ku soo noqon doonaa haddii alle idmo, ilaa bari  insha allah (Jimcaha) (inaan imaado).” Sidaa waxaa yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Source-Wargayska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News