Hangoolnews.com
MASHAARIICDA WASIIRKA MADAXTOOYADDU UU QALINKA KU MAROORSADEY QAYBTA 2AAD
March 11, 2016 - Written by Hangool News

MASHAARIICDA WASIIRKA MADAXTOOYADDU UU QALINKA KU MAROORSADEY QAYBTA 2AAD

Photo File Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Photo File Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Intiinii la socotey qormooyinka aynu ku lafo guraynay mashaariicda wasiirka madaxtooyadu qalinka ku maroorsadey mudadii ahaa wasiirka Duulista iyo Hawada qaybteenan labaad waxa aynu kusoo qaadan doonaa helida nasiibka uu mashruuca Kuwait Fund oo uu noqdey wasiirkii ugu horeeyey ee gacanta ku dhiga mashruucan waxa hirgalinta dalabkeeda lahaa xukumadii hore ee dawladii Daahir Rayaale Kaahin,

Wasiir Xaashi waxa uu markiiba si dhekhso ah u hirgaliyey socodsiinta mashruucan marka laga tago samaynta iyo ku nashqadaynta lacagta loogu talo galay dib u dhiska madaarka markiiba waxa soo baxay sawaxan iyo oog ku salaysan lunsiga kharashka mashruucaasi oo warbaabinta dalka iyo asxaabta mucaaridka Somaliland  kasoo yeedhay,

Dhagaha ayuu ka furaystay in Xaashi waxaanu ka doorbidey dhadhamada iyo dhuuniga mashruucan ay dawlada Kuwait ugu deeqdey shacabka Somaliland in lagu horumariyo,

Dhawaaqu dhanka shicibka oo kaliya kamuu imanayne markiiba waxa uu khilaaf xoogan ka dhex curtey oo arintani ka dhiidhiyey agaasimihii guud ee hore wasaaradda Duulista iyo Hawada,

Agaasime Maxamed Faarax Markii uu arkay ku takri falka Hantida ummada iyo wax is daba marinta uu caadaystey wasiir Xaashi agaasime Maxamed faarah waxa uu go,aan ku gaadhey in uu ka hor yimaado talaabo kasta oo uu Wasiir Maxamuud Xaashi u qaadayo danahiisa shakhsiyadeed,

Maxamuud Xaashi Cabdi isaga oo aan iskuga waynaynayn istcimaalayana awood Reernimo ayuu todobaad gudahii kaga takhalusey Agaasime Maxamed faarax waxaana wasaaradda agaasime looga dhigey Axmed Dalal Faarax oo aqoon iyo waayo aragnimo ka xeel-dheer wasiirka soo wareejistey kuma uusan hakan muranku halkii (nin meelu u cadahay meelo ka madow) wasiir Xaashi waxa uu markiiba si arxan daro ah usii watay boobka Hantidii gacantiisa lagu aaminey markale ayaa hadana waxa xoogaystey muran kale oo ka dhex un- kamay agaasimahan cusub Axmed Dalal faarax iyo Wasiir Maxamuud Xaashi,

Maxamuud xaashi xiligaasi uma haysto in agaasime guud mid waaxeed iyo shaqaale toona ay hor istaagi karaan mashaariicda uu qalinak ku maroorsanayo,

Markuu arkey wasiir Xaashi in agaasimahii uu badaley uu ka ad adag yahay Axmed Dalal Faarax agaasimihii guud ee hore duulista iyo Hawada ayay talo ku cadaatey markiiba si aanay mar danbe ugu noqon caqabad dhanka agaasimayaasha guud waxuu soo xushey agaasmie da,yar oo isaga u hanuunsan waxii uu siiyana sadd moodaya,

Farxada riyaaqa,reynreeynta,iyo sida Rah u cidda ayaa markiiba u bilaabantey Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi,

Qormadeena Saddexaad waxa aanu kusoo bandhigi doonaa qiimaha ku baxay madaaradda iyo inta uu jeebka ku shubtey Wasiirkii hore,

 heshiisyada Delta Express cida iska leh iyo shareka uu ku leeyahay,

Heshiiska diyaaradda Dubai Fly,

kiraynta Qolka ViP ee hada la wado cida la siiyey iyo waxa uu isagu shakhsi ahaan ku leeyahay,

Sababta ka danbaysay in markii isaga laga dhigey wasiirka Madaxtooyada loogu magacaabo Wasiir dawle ay isku hayb yihiin xidhiidh dhowna ka dhaxeeyo iyo xog,hayn cusub oo wasiirka cusub ee Duulista dhawaan la magacaabay looga keenay guriga Wasiirka Madaxtooyadda.

La soco heshiisyada,ku takrifalka hantida ummada iyo isbedelka hantiyeed ee uu haatan yeeshey iyo qormooyin kale oo xiiso badan si toosna aynu ugu gudo gali doono mawduuca dagabagalka hantida qaranka ee uu qalinka ku maroorsadey Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News