Hangoolnews.com
“Waxaa Laga Yaabaa In Xukumka Lagu Kala Wanaagsan Yahay, Marwadda Madaxwaynaha,
March 10, 2016 - Written by Hangool News
Photo File Aamina Waris

Photo File Aamina Waris

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Weris) ayaa ku talisay in ay doorashooyinka soo socdaa noqdaan kuwo aan la is jiid-jiidan, hase yeeshee six or ah oo walaaltinimo ah loogu kala baxo.

Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay u soo jeedisay Hoggaamiyeyaasha asxaabta qaranka iyo goleyaasha baarlamaanka inay tix-geliyaan kootadii madaxweynuhu u soo gudbiyay ee kuraasida gaarka ah loogu xidhayay haweenka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda.

“ Haweenka Somaliland caawa hamballyo iyo duco ayaan u diraya hadday gobollada joogaan, haddii ay caasimada joogaan , haddii ay miyiga joogaan, iyo haddii ay qurbaha joogaanba, waxaanan Illaahay uga baryayaa in bishan bisheeda uu innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo,”sidaa ayay tidhi Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo habeenkii arbacadii khudbad ka jeedisay xaflad ay wasaaradda arrimaha bulshadu soo agaasintay oo qayb ka ahayd dabaal degga xuska maalinta haweenka adduunka ee 8-da March, taasi oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaallada HArgeysa.

Marwo Aamina Waris waxay ku baaqday in tix-gelin buuxda la siiyo kootada haweenka ee doorashooyinka, waxaanay tidhi “Xisbiyada mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ahba, waxaan u soo jeedinaya in ay isku kaaya garab taagan halgankan aanu ugu jiro, dumarku in ay ka muuqdaan, kaalinta ay maanta kaga jiraan siyaasada dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxaana weeyaan Kootada uu madaxweynuhu laba jeer baarlamaanka ku celiyay, waxaaanu doonaynaa in aan mar saddexaad lagu celin, xildhibaanadow gudoomiyayaasha baarlamaankoow, gudoomiyayaasha xisbiyadoow, Wasiirradow, waxgaradkow arrintaa nala garab gala.”

Marwadu waxa kale oo ay soo jeedisay in tartanka doorashooyinku noqdo mid aan la is jiid-jiidan, waxaanay tidhi “Tartan xalaala inaynu tartano marka ay doorashadu bilaabanto, innaga oo aan is jiid jiidanayn , in ay noqoto midnimo, walaaltinimo, innaga oo aan is dileyn innaga oo waxa kaliya ee aynu isku heynaa ay tahay, annagaa Somaliland si fiican u xukumayna , iyo annagaa u xukumeynaa, kuligeenba waynu wada xukumi karnaa waxaana laga yaaba uun in lagu kala wanaagsan yahay maantana haddii aynaan is wada diwaan-gelin oo aynaan kaadhadhkeenna qaadan diwaangalintu waa ay innaga xumaanaysaa.”

 

COMMENTS
Latest News