Hangoolnews.com
War Deg-Deg Dagaal Laga Cabsi Qabo In Uu Ka Qarxo Deegaanada Buuhoodle Iyo Ceeggaag
March 10, 2016 - Written by Hangool News

Ceegaag(Hangoolnews)Deegaanada bariga Somaliland gaar ahaan gobolka sool meelo ka mid ah ayaa laga cabsi qabaa in uu Caawa ilaa subaxa ka qarxo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo sidoo kale ciidamo taabacsan maamulka uu hor joogaha ka yahay Cali Khaliif Galayd oo isagu mudooyinkii ugu danbeeyey ku sugan magaalada Buuhoodle iyo deeganada ku dhow dhow,

Ilo looga qaateen ah oo soo gaadhaya xafiiska war qabadka shabakada Hangoolnews waxay tibaaxayaan in guutooyinka ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland lagu sii daad guraanaayo deegaanadaasi iyada oo dhinaca kale taliska guud ee ciidamada qaranka Somaliland ilaa caawa laga waday dhaqdhaqaaq ciidan oo loo sii wado dhinaca deegaanada bari ee Somaliland,

Meelaha ilaa iyo hataan la isku hor fadhiyo sida ay sheegayaan wararka nasoo gaadhaya in ciidamada qaranka Somaliland ay xiligan kulaalayaan magaalooyinka Buuhoodle iyo sidoo kale Ceegaag iyada oo dhinaca kale ay deegaanka ceegaag ku sugan yihiin afar ka mid ah xildhibaanada golaha barlamaanka somaliya iyo sidoo kale Cali khaliif,

Ciidamada qaranka Somaliland ayaa iyagu qorshahoodu yahay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen afarta xildhibaan oo iyagu maalmahii lasoo dhafay arimo amaan daro ka waday deeganada ay ku sugan yihiin,

Dhinaca kale ciidamada maamulka khaatumo ayaa dhinacooda diyaar garow xoogan ugu jira sidii ay iskag difaaci lahaayeen ciidamada qaranka waxaanay maanta magaalada Buuhoodle kusoo bandhigeen hub iyo saanad milatari oo ka rumaysan yahay in ay soo gaadhsiiyeen maamulka magaalada Muqdisho ee uu madaxwaynaha ka Yahay Xassan sheikh Maxamuud.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Shabakada Hangoolnews.com

Hangoolnews.com

Laascaanood/Office

COMMENTS
Latest News