Hangoolnews.com
Waayaha Shaqo la’aanta. Qalinkii: Khadar Muxumed Muuse (Koodh)
March 10, 2016 - Written by Hangool News

Gu’gii uu ku dhashay Hargeysa waxa laga joogaa labaatan iyo shan sanno. Maxamed

waxa uu ku barbaaray, kuna koray isla  magaaladan Hargeysa. Waxa uu kalsooni ka

qabaa in aan looga sheekaynin ammaanka magaalada oo dhawaan laga dayrinaayey.

Marka laga yimaaddo waxa uu caan ku noqday kubadda cagta, oo uu aad u ciyaari

jiray.  Taasi oo uu ku kas baday asaxaab aad u tiro badan. Waligii kumuu seexan waxa

lagugu baadhan doonaa ama amnigaaga lagu waxyeellayn doonnaa magaaladaad

intaa ku leekaatay.

Shaqada uu qabto waxa uu helay laba bilood ka hor. Wali wax dheef maalmeedkiisa

dhaafsan muu kasban wuu se ku qanacsan yahay, oo waxa uu kaga raystay shaqo

la’aantii iyo makhaayad ka sheekayntii. Maanta ba waa kan oo waa shaqaale hela

mushahar ku filan. Balse wali ma guursan oo waa doob u fidhanaaya inuu helo

gashaanti geddiisa ah. Shaqadan maalintii loogu yeedhi doonno waakii ku sugnaa meel

ay ka dhacaysay ciyaar aad u xiiso badan oo dhex maraysay [Manchester united iyo

Liverpool] oo ah laba kooxood oo reer faranji ah.

Kobta lagu daawaddo ciyaaraha noocan ah ee ka socda Ingiriiska ayaa ah mid aad u

kooban, kulayl badan cidhiidhi iyo cabudhinina ka jirto. Markii uu Alleenkii uu sitay laba

jeer “dhililim dhililim” yidhi qabay! Waa’ayo?, iyo waa adeero Cali Ducaale. Haa adeer :

xaalkaaga iyo reerihii iiga waran? Way wanaagsan yihiin iyo nimcaa lagu jiraa lays

yidhi. Cabbaar kaddib waxa lagu war galiyey Maxamed in shaqo loo soo helay, barrina

uu shaqo tegi doonno iyo hawraarsan. Habeen kan cid ka farxad iyo fir-fircooni badan

lama arkaynin, waxa uu muddo saddex gu’ oo isku xigaba  naawilaayey in uu meel uun

madaxa la galo.

Maanta hadduu helay inuu ku calool adaygo fursad uga wanaagsan ma uu helin mana

hayo. Maankiisa waxaa ku loollamaayey fikrado kala duwan oo uu is waydiin jiray,

kuwaas oo ku kalifi jiray mar marka qaar inuu tahriibo ama nolosha ka hor istaagi jiray

inuu ku samro samaan iyo xumaanba. Mar haddii uu ku taamayo in uu hanti iyo nolol

wanaagsan samaysto, waakan oo dhallintaba waxa uu u haystaa inay isaga siddiisa la

faraxsan yihiin. Saaka waxa uu u kacay shaqadii, hadduu duhurka ka soo yar baxo

isagoo daallan waxa uu ku noqdaa casarka waxaanu kasoo baxaa fiidka.

 Cawayskan waxa uu ku yar daahay suuqa. Isagoo wakhti badan kula soo qaatay

meelaha laga cunteeyo ama laga shaaheeyo saaxiibkii Axmed, oo ay kala baadeen.

Kullan xiiso iyo xasuus dheer leh, kadib waakan oo u soo kicitimay hoygooddii oo ku

yaal meel aan aad uga fogayn suuqa. Filasho iyo filan waa’ba mar uu socdo luuq (wado

cageed yar) oo aqalkoodda waxoogaa il qabad ah u jirta, ayaa Shan ka mida

dhallinyarta xaafaddu  dhab ku siiyeen halkii Maxamed. Mar haddii uu magaciisa ku

meel mari jiray caawa way ka cakirantay oo waa loo badheedhay, haddii naanaystiisa

dheer lagaga baydhi jirayna haba sheegin oo loomaba dhagaysan. Gacantii u horaysay

waatan oo waxa lagaga daranyeeyay qoorta (luqunta), raggu way af duuban yihiin

dhammaan, meeshuna waa mugdi (madow) cid war ka sugaysa iyo cid ku saacidda

midna ma helin.

Xaalka iyo talo halkay marayso markii uu Maxamed ka war helay, waakan oo difaac gal

kana dhex muruxsay (fakay) gacmaha raggan sida xanfalida qaatay. Kolkii uu dhan uga

baxay waakan oo miciinsay dhagax wixii dhulka yaalay, lana jihaad saddex kamida

raggii baadhashada iyo damaca boobka ula badheeyay. Mid kamida oo gabbasho u

galay Maxamed waakan meel halkeer ah kaga soo booday DAM, jaleecaddii uu soo

jeedsaday waakan oo buruca/bowdada waxaa kala kullantay Abley (toorri) uu sitay

cadawgan xooggani.

Dhiigga ka socda ma uu dareensanayn se wuu ka war qabay dhaawaca soo gaadhay,

wuxuu ku dedaalay in uu naftiisa difaaco si aan loo qudh jarin. Dagaalkii oo socda

waakan Maxamed dareemay iftiin gaadhi oo luuqa ku soo aaddan, mise waa gaadhkii

xaafadda, kaddib  qaylo afka kala waax,  markiibana loo soo gurmay.

Miyir waxa ugu dambaysay kolkii iftiinka ishiisu qabatay  waxaana ugu horaysay isagoo

jiifa sariir, xidhan maro cad hareerahana ay ka fadhiyaan hooyadii iyo hablahoodu.

Xaalkiisa waa laga dayriyey mar waa lagu guulaystaa in lala tacaallo, laakiin badanka

wuxuu ahaa mid dhaawaca ku yaal awgiis la maarayn waayo xaalkiisa. Wuxuu siddii

ahaadaba caafimaad muddo laba bilood laga joogo Dhaawicii iyo halistii uu la kulmayna

ka soo doog, hadimadii jid gooyaddu waxa ay u noqotay cashar cibaaro u kordhiya

Maxamed. Waayaha shaqo la’aaneed ayaa macnahooddu sidan yahay, waa hawraartii

uu ila wadaagay Maxamed.

Wabilaahi Tawfiiq

Qalinkii: Khadar Muxumed Muuse (koodh)

Email.khadarkoodh@gmail.com

Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
Latest News