Hangoolnews.com
Mashaariicda Wasiirka Madaxtooyaddu Uu Qalinka Ku Maroorsadey Qaybta 1aad
March 10, 2016 - Written by Hangool News

Dib aynu u milicsano taariikhda wasiirka madaxtooyada Somaliland fogaanmayno 1991 waxa uu ka mid ahaa jabhadii soo gashay magaalada Burco ee SNM waxaanu noqdey Maayarkii ugu horeeyey ee degmada Burco, waxa uu xubin ka noqdey Golahii wakiilada ee ugu horeeyey,

Ma jirin manfac maaliyadeed uu Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka madaxtooyadu hore u lahaa oo dhaafsiisan maalin nololeedkiisa,

Wasiirka madaxtooyada Somalilnd mudadaasi waxii ka danbeeyey waxuu ka hadhay ama ka dhacay salaankii siyaasada Somailand oo uu xiligaasi majaraha u hayey alle ha u naxariistee madaxwaynahii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal,

Photo File Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Photo File Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

waayaha iyo wakhtiga ayaa soo wajahay wasiir xaashi dhulkiisa hooyo ayuu dhinaciisu qaban waayey mudo yar kadib waxa uu u tahriibey dalka Koonfurta Africa waxa uu kala kulmey murugo iyo xaalad ka duwan tii uu ku joogey dalkiisa Hooyo dhiilada Maxamuud Xaashi iyo dhawaaqiisu waxay suuro galiyeen in loo kaco isaga iyo ubadkiisa lana dajiyo dalka Uk,

Markii uu bilaabmey olalayaashii xisbiga kulmiye iyo ku dhawaaqistii xisbigaasi ayuu wasiir Xaashi luxudka kasoo kacay,

Olalale,dagaal,fikir ,soo- jeed, maskax iyo muruqba waxa uu galiyey shacabkana kala mid ahaa sidii talada waddanka loogu dhiibi lahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxwaynaha Somaliland ee haatan,

Galad eebbe guushii waa la gaadhey isna ka mid noqey golahii wasiiradda waxa loo magacaabey wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland,

Haa ma dafireyno waxa uu qabtey balse qormooyinkan waxa aynu ku eegaynaa inta uu qaldey,

Muddo yar ka dib markii uu ku indho dilaacsadey wasaaradda duulista iyo hawada luunkiina ka rogmey waxuu bilaabey in uu heshiisyo qarsoodi ah iyo qaar toos ahba la galo ash-khaas iyo shirkado isaga oo ka cararaya dhibtii tahriibta iyo taakadii adkeyd,

La soco heshiisyada,ku takrifalka hantida ummada iyo isbedelka hantiyeed ee uu haatan yeeshey iyo qormooyin kale oo xiiso badan si toosna aynu ugu gudo gali doono mawduuca dagabagalka hantida qaranka ee uu qalinka ku maroorsadey Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com\

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News