Hangoolnews.com
Faysal Cali Waraabe Oo Markale Ku Celiyey In Uu Toogan Doono Gudoomiyaha Xisbiga Waddani
March 9, 2016 - Written by Hangool News
Photo File Faysal and Ciro

Photo File Faysal and Ciro

Hargeisa(Hangoolnews)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay dacwadii uu xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ka gudbiyey eek u saabsanayd in uu gudoomiye Faysal dil toogasho ah ugu hanjabay gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mr Ciro waxanu faysal ka waramay sida ay ku timid isaga oo sidoo kale eedaymo kala duwan marka kale dusha uga tuurey gudoomiyaha xisbiga Waddani,

Faysal cali Waraabe oo u waramay xamse cali bulbul oo ka mid ah hawl wadeenada Tvga Hctv ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

“Horta waa nasiib daro in xisbiga wadani oo aan oganahay in uu dalka qasay khatar galiyey diwaan galintii olalena u badalay sharci darona ku fadhiyo gudoomiyahu, gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ahna gudoomiyihii baralmaanka xeerkii golaha wakiiladu meel marinayeen markii guurtida loo dirayey badalay kuxigeenkiiisii feedhey wasiirka xidhiidhka golayaasha markii awdal olaluhu ka socday lix markhaati loo hayo oo ku yidhi madaxa ayan kaatoogan lix markhaato loohayo waji to waji in waxii khaladkiisa ah ay taydii ku qariyaan horta waa nasiib daro shalayto waanu fadhiisanay meesha dacwaa nu gaynay sadexda xisbibaa fadhiyey komishanka ayaa fadhiyey waxaan idhi ciro iyo dadkan daba yaacaya hadii xeer kala saara iman oo diwaan galinta ku saabsan oon sharci loo samayn xadida waa la is dili doonaa waanu toogan doonaa ayaan waliba idhi waa hadii aanu sharci jirin waa la is dilayaa,”

Gudoomiye Faysal cali Waraabe oo Hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in uu goobtii uu hadalkaasi ka yidhi kaga noqdey hase yeeshee uu si gaara masuuliyiintaa xisbiga uga socdey ugu yidhi mar kale waxaau yidhi

“intaasi markay dhacday waxa la yidhi gudoomiye intaasi ka reeb waxaan idhi intiina kale waan ka reebayaa laakiin waddanow waan idiin sheegayaa hadii aydaan joojin basar xumada xeerka lasoo saarey laakiin tiisii wasiirka xeerka haya ee waliba toos lix markhaati loo hayo uu yidi waan ku tooganayaa anuu waxan idhi aan sharci la samayn ayaan ku idhee taa miyaa la iloobey haddana waan ku celinayaaye hadaan C/raxmaan damiir uu ku joogsado oo shakhsinimadiisa oo xeerka ilaaliya hadaanu la imanin ama sharciga aanu la imanin dalka qasbuu galinayaa,

Ilayn hadaanu qofku damiir lahayn aanu is qabanayn kursi ku waashey illaahay gacanta ku hayo,

Markaa arintu sidaasi ayay ahayd hadii aan la qaban sharcigi xerkana waataa lasoo saarey laakiin waalama huraan hadii aanan sharciga ku kala socon madaxa ayaa la isku dhufanayaa,

Aniga dacwadayda waxii iga raaca waaba la joogee tiisiina waa la dacwaynayaa.”

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News