Hangoolnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 500 Oo Qoys Oo Ku Dhaqan Gobolka Hawd
March 8, 2016 - Written by Hangool News

Bali-gubadle(Hangoolnews) Xukuumada Somaliland Ayaa Maanta Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 500 Oo Qoys Oo Ku Dhaqan Deegaano Hoosyimaada Gobolka Hawd Deegaanada deeqdan la gaadhsiiyey ayaa kala ahaa Baargoo,Cuno Qabad iyo Masaajidka.

 Deeqdan raashinka ayaa ka koobnayd Bariis,Sonkor Daqiiq,Saliid, Caano Timir iyo waliba sharaab waxaana loo qaybiyey 500 Qoys  oo ka mid ah dadka ay abaaruhu halkeeyeen ee ku dhaqan ee deegaanadaasi gobolka hawd

Waxaa deeqdan Qaybiteeda Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen  Xildhibaan Obsiiye  Maayir ku xigeenka Degmada  Bali-gubadle Mowliid jaamac yuusuf iyo Gudoomiyaha Degmada  Sayla-Bari Khaliif Maxamed Cumar

Masuuliyiintan ayaa waxay sheegeen in dhamaanba deeqdan sidii loogu tala galey ay u gaadhsiiyeen qoysaskaasi abaareysan .

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

 

COMMENTS
Latest News