Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Mid Ka Mid Ah Sanaaduuqdii Diwaangalinta Codbixiyayaasha Bali-Gubadle Oo Khilaaf Xoogan Ka Taagan Yahay
March 8, 2016 - Written by Hangool News

Bali-gubadle(Hangoolnews)Todobaadyadii ugu danbeeyey waxa sii xoogaynsanyay khilaafka deegaan ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanka Gummar ee degmada Bali-gubadle kuwaasi oo khilaafkoodu salka ku hayo mid ka mid ah sanaaduuqdii diwaan galinta codbixiyayaasha oo goobtiisii uu hore u ooli jirey laga rarey,

“Komishanka dorashooyinka ayaa ugu talo galay in dalka dagaal ka dhaco cabshadana dhowr jeer oo hore ayaanu u gudbiney waxii meeshaasi ka dhaca iyaga ayaa ka masuul ah” sidaasi waxa Warbaahinta Hangoolnews u sheegay odey Maxamuud faarax oo ka Mid ah dadka dega Deegaankaasi,

PHOTO File Nec Logo

PHOTO File Nec Logo

Khilaafka sanduuqan ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya mana jirto wax talaabo ah oo ilaa iyo haatan ay qaadeen komishanka doorashooyinku,

arintani ayaa ku dhow in ay goobtaasi ka dhacaan is maandhaaf u dhaxeeya dadka wada degan degaankaasi gaar,

Geesta kale warar xog,ogaal ah oo ay helayso Shabakada Wararka Hangoolnews ayaa waxa ay sheegayaan in komishanka doorashooyinka degmada Bali-gubadle ay dabada ka riixayaan sanduuqa goobta beebeega in loo gacan galiyo cid gaar ah mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Gudoomiye kuxigeenka iyo xoghaya gudiga doorashooyinka degmada bali gubadle ayaa waxay noo xaqiijiyeen in gabi ahaanba ay awoodii shaqo la wareegeen maayarka Bali-gubadle iyo badhasaabka Hawd waxaanay sheegeen in sanduuqaasi si gooni ah codkiisa ay gacanta ugu hayn doonaan shakhsiyaad ay komishanka doorashooyinku usoo xil saarteen.

Waxii warar ah ee kasoo kordha kala soco Hangoolnews

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News