Hangoolnews.com
“Dawladdu Haddii Ay Ka Baqayso Cabdiraxman Cirro Annaga Ayaa Iska Qabanayna Waayo Ninka Baarlamanka Hogaaminaaya Inuu Nala Tartamo Maaha” Faysal Cali Waraabe
March 8, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa u soo jeediyey dhigiisa Xisbiga WADDANI inuu iska casilo hogaaminta golaha wakiilada si uu ugu madax banaanaado tartanka doorashada madaxtinimo. Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale Guddmooiye Cirro ku eedeeyey inuu isticmaalo kharashka dawladda isagoo adeegsanaya shaqaalaha golaha wakiilada.

Photo File Faysal cali waraabe

Photo File Faysal cali waraabe

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Xildhibaanadu marka ay ololaha ku jiraan waa inay xilka ka tagaan, Cabdiraxmaan Cirro waa inuu xilka ka taagee weeye haddii ay dawladdu ka baqayso Cabdiraxmaan oo uu lacagtii dawladda isticmaalayo anagu ka xishoon mayno, shaqaalihii golaha wakiilada ayuu kaxaysanayaa markaa Cabdiraxmaan haddii ay dawladdu qaban waydo anaga ayaa iska qabanayna, nin baarlamaanka hogaamiyaa inuu nala tartamaha maaha. Maxaanu anaga iyo Siilaanyo ugali waynay baarlamaanka barigii ee aanu isaga u saarnay guddoomiye ayaanu noqon lahayno waliba kaga fiicnaan lahayne isagana anaga ayaa ka dhignay guddoomiyaha wakiilada’e” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa jagadaasi qabtay ka dib markii labadii xisbi mucaarad ee wakhtigaas ee UCID iyo KULMIYE ay ku heshiiyeen inay hogaankka golaha wakiilada qabsadaan markaas oo guddoomiye cirro noqday guddoomiyaha golaha halka uu kuxigeenkiisuna noqday Cabdicasiis Samaale.

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News