Hangoolnews.com
Madaxwayne Wasiirka Aad Noo Magacawday Hadaanu Nahay Reer Hebel ,Naga Bedal Waayo Shiinuu Maalinkasta La Shiraa !
March 7, 2016 - Written by Hangool News

Waa maxay Dawladnimo?waa maxay Wasiirkan lagu haysto Shiinu la shiraa ?

Dawlad nimadi waa wax  ku dhisan heshiis dadwayne  ku kala nool meelo kala gadisan,doonayana in ay wax wada qabsadaan,midoobaan ,wax wada bartaan,ujeedo kaliya iyo fikir kaliya ay wada yeshaan ,Dawladnimo waa Hoy iyo Gabood laga hoos galo  dibu dhaca ,Jahliga  tafararuqa,eexda Waxbarasho la-aanta ,Cudurka iwm.
Dawladnimo waa  Weel  lawada leeyahay, oo lagu wada shubto wax lawada leeyahay. kadibna si cadalad ah loo qaybsado ,Dawlad Nimo waa wax cadaynaya in umadi ay geedi u tahay horumar iyo hiigsi ilbaxnimo ,iyada oo ka guuraysa kana galab caraabaysa nidaamka aan inta badan horu marka laga gaadhin ee ku dhisan kala danbaynta Qabiilka iyo Qabyalada madhalayskaa.

Dawladnimo Sax ah waxaa horumar iyo hogaan toosan u noqon kara Dad loosoo xuushay in ay Gadh-wadeen iyo hogaan tosan ka noqdaan Dawlaadasi Curdinka ee markaasi la Abqalayo. Dawlad aanay hogaamin Dadkeda aqoon-yahanka ah sida Culimada,Madax-dhaqameedka ,Ganacsatada,iyo dadka ilbaxa ee aqoonta u ah deegankasi ,hadii intaasi ay Dawladasi hogamin waydo macnaheedu waxa ay tahay waxaa hogaminaya intaasi aan kor kusoo sheegay cakis-keeda oo ah,jaahilkeda,Badawgeeda,Aqoonlawaheeda iwm .

Aan usoo Guda dhaco Halku dhiga Maqaalka oo ah MADAXAWAYNE WASIIRKA AAD NOO MAGACAWDAY HADAANU NAHAY REER HEBEL NAGA BADAL WAAYO SHIINUU LA SHISAA.

Somalidu waxa ay dhaqan u leedahay kuna beeran dhaqan Xoolo dhaqato oo ah midka aynu Ab iyo isirba u leenahay ,kaaso leh mid fiican iyo mid aan fiicnayn. waxa aynu is dhex galinay dhaqeenkeenii qabiilka iyo Dawladnimadii kadibna maxaa kasoo baxay!

Dawladnimadeenu waxa ay ku dhisan tahay Reero isu tagay Qabiilkastana Dawlada waxa uu ku leeyahay Wasiir amma wax la mida ,Dawlada marka jirtana Madaxwaynaheeda waxaa khasab ku ah in uu Qabiilkasta u magacaabo wasiir iwm si ay uga wada muuqdaan Shashada Dawlada kadibna ay u tageeraan.
Qabiil Soomaliyeed  ayaa Madaxwaynahii waxa ay u keneen Nin ay rabaan in Wasiir looga dhigo ,kasoo ay markaasi u arkayeen in uu yahay Ninka ugu aqoonta iyo kartida fiican ,kadibna Madaxwaynaha ayay gudoon siiyeen isna waa uu ka aqbalay,waxaanu u balan qaaday in Ninkaasi Qabiilku wato in uu kusoo bixi doono liiska Wasiirada dhawaan la magacabayo.

Wasiirka Alxamdu lilaa waa la magacabay waanu hawl galay ,waxana loo magacabay Wasiirka Qorshaynta Qaranka ,waxana la odhan karaa waxa uu kasoo baxay wajibaadkisii qaran ee saara ,waxa uu shirar iyo socdaalo ugu tagay dalalka dibada si uu dalkasi uu wasiirka ka yahay ugu raadiyo ,kaalmo dhaqale,mid aqooneed waxanu wafti markii ugu horaysay uu ugu baxay Dalka Shiinaha.

Qabiilkii uu ka dhashay wasiirku ayaa waxa ay si isdaba jooga markasta Idacada uga maqlaan Wasiirkii Qorshaynta Qaranka  oo Dalka Shiine Shir u jooga amma Shiine la sheraaya  !!Qabiilkii Wasiirku uu ka dhashay  waxaa isu qaban wayday Wasiirkii ay ku tacab iyo taagba beeleen Magacabistisii oo aan marqudha Reerkii la shiriyn, balse  Maalinkii ALLE soo rogaba SHIINE LA SHIRAYA !,Hadalkasi ay Idacada ka maqlayaan waa uu anfici waayay,bal-e waabu ka Cadhaysiiyay,kadsibna waxa ay Go-aan ku gaadheen in ay Madaxwaynaha ka ashkateeyaan Wasiirka Shaqadiisii loo doortay garan wayay ee garab maray ee SHIINE UUN LA SHIRAYA .
Waxa ay u tageen Madaxwaynahii Dalka ka talinayay, waxa ay af-buuxa ku yidhaahdeen MUDANE MADAXWAYNE NINKII AANU KUU KEENAY EE WASIIRKA NOO AHAA ,WAXA AANU U ARAGNA IN UU YAHAY NIN AAN SHAQADISII KASOO BAXAYN,ISLA MARKANA BEESHII DORATAY EE KUU KEENTAY WAA UU GARAB MARAY WAANU KHIYANEYAY.

Madaxwynahii Su-aal ayuu waydiiyay odayshii markii ay hadalka dhameeyeen ,waxanu ku yidhi,waxa aad ii sheegtaan Qaladka uu galay ee aan xilka kaga qaado ?
Waxa ay ku yidhaahdeen :

MUDANE MADAXWAYNE WAAGU ILAHAY EE BARYABA WAXA  UU LA SHIRAYAA SHIINE,HALKA UU ANAGA NALA SHIRI LAHAA,WAAGII ILAHAY KEENABA WAXA UU QORSHAYNAYA SHIINE HALKUU ANAGA NAGA QORSHAYN LAHAA , ISLA MARKANA DANTAYADA IYO TA REERKA UU WAX KA QABAN LAHAA ,NOQON LAHAANA NIN REERKA U TIRSAN ,BALSE NINKII SHIINU NOQDAY ANAGABA MAHA !!

Madaxwaynahii waa uu yabay waxa aanu arkay Caqliyada iyo garaadka dadka uu u talinayaa halka ay marayso,waxaanu Odayashii u yimi ugu caqli celiyay isaga oo hogo tusalaynaya in wasiirku uu yahay mid umada oo dhan ka dhaxeeya isla markana aanu ahayn mid cid gaara u adeega.

W/Q-Qareen / Khadar Ibrahim Aar

COMMENTS
Latest News