Hangoolnews.com
Gudoomiye Ciro Oo Saaka Safarkii Samo-Wadde Ka Bilaabay Magaalada Abdaal Ee Gobalka Saaxil Iyo Deeganaada Uu Ku Sii Jeedo +(Sawiro)
March 7, 2016 - Written by Hangool News

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaan ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu saaka safarkiisii SAMO-WADE Saddex ka bilaabay  magaalada Abdaal oo ka tirsan gobalka Saaxil.6

Waxaana gudoomiyaha ku soo dhaweeyey magaalada Abdaal dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi oo aan u kala hadhin soo dhaweynta hogaamiyaha xisbiga Waddani Muddane Ciro .

7

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dadweynaha ku dhaqan magaalada abdaal uu uga mahadnaqey  soo dhaweynta baaladhan ee ay ku qaabileen waftiga uu hogaaminaayo waxaana uu sheegay in aanu wakhti xaadirkan u socon olale balse uu u socdo diwaan galintii cod bixiyayaasha oo 12.03.2016 ka bilaabmi doonta gobalka Saaxil ,Hawd Iyo Gabilay  isla markaana uu ku boorinaayo in ay  ay kaadhka diwaangalinta qaatan si ay wax u dooran karaan waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in uu dareen sanahay  isbadelka ay rabaan bulshada rer Somaliland gaar ahaana rer Abdaal kaas oo lagu sameynaayo xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa  isgoona sheegay ta kaliya ee u suurto galin kartaa in ay isbadel sameeyan oo ay doortan shaqsi ay rabaan in ay tahay iyaga oo qaata kaadhka diwaangalinta .

1

Sidoo kale waxaa iyaguna madashaasi ka Hadley qaar ka mid ah dadweynaha rer Abdaal waxaana ay sheegen in ay gudoomiyaha ku soo dhaweynayaan magaladii uu ku dhashey ee Abdaal isla markaana dadweynaha rer Abdaal yahiin qaar u diyaar ah isbedel

10

Muddane Ciro ayaa inta uu safarkan ku jiro waxaa uu kormeer ku soo mari  doona goobaha ay diwaangalinta cod bixiyaashu ka socoto ee saddexda gobol Saaxil,Hawd Iyo Gabilay .


2
33a45

8
9
11
12

COMMENTS
Latest News