Hangoolnews.com
“Dhamaantayo Waddani Iyo Isbahaysiga Kulmiye Waxaanu Nahay Isbedel Doon” Xamarje
March 7, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnew) Siyaasiga Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) ayaa bogaadiyay wadahadaladda u bilowday xisbigooda Waddani iyo garabka isbahaysiga Kulmiye, isla markaana wuxuu ishaaray inay raali ka noqonayaan wax kasta oo ay isku raaci karaan.

Xamarje oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Ogaal isagoo jooga Jabuuti wuxuu xusay inay aad u soo dhawaynayaan wada xaajoodka u furmay xisbigooda iyo isbahaysiga, isla markaana wuxuu tilmaamay in isbahaysigu yihiin cudud muhiim ah, sidaa darteedna wuxuu ku hambalyeeyay Guddoomiye Cirro siduu u maamulay hawshaa furitaanka wadahadalka.  “Waxaan rajaynayaa wadahadalku inuu noqdo mid najaxa. Waanu ku faraxsanahay in aanu isku aragti noqono isbahaysiga,dhamaantayana isbedel doon baanu maanata  wada nahay, raalina waanu ka nahay wixii suuragelinaya iskaashi.”ayuu yidhi Xamarje.

Xamarje waxa kale oo uu sheegay inuu hawlo shakhsi ah u tegay Jabuuti haatana uu ku laabanayo Hargeysa.

Xigasho:Ogaal

 

COMMENTS
Latest News