Hangoolnews.com
” Dalku Jarbuu Ka Laaladaa Waxaa Badbaaadinaya Xisbiga Waddani Iyo C/raxmaan Cirro “Xildhibaan Cali Aareeye.
March 7, 2016 - Written by Hangool News

Berbera(Hangoolnew) Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana kamid masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa maanta mar uu meel fagaare ah kala haddlayey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera sheegay inuu dad weynaha reer Berbera saddex xaalo ku jecelyahay,isagoo sheegay ugu horeyn in uu kaa soo jeeda berbera Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal”Reer Berberaadow  Saddex Xaalo Ayaan idinku jecelahay,ta ugu horaysa cigaal baa idinka dhashay madaxweynihii ugu horeeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee Somaliland  dhidibada u aasay,qodobka labaad ee aan idinku jecelahay waa hunguriga  Somaliland laga quudiyo,qodobka saddexaad,waxa weeye madaxweeynaha mustaqbalka C/raxmaan ayaa maadaxweynaha noqonaya oo reer berbera ah, horta saddex daa arimood ayaan idinku  jecelahhay”Ayuu yidhi Xidhibaan Cali Shiikh Ibraahin “Aareeye”

Ildhibaan Aareye

Ildhibaan Aareye

Geesta kalena Xildhibaan Cali Aareeye oo kamid ah weftiga Guddoomiye Cirro ku wehelinay socdaal Sama-wade lugtiisa sadexaad ee ay maanta ku gaadheen magaaladaa Berber, ayaa shacabka  weynaha reer Berbera u cadeeyey in aan masuuliyiinta Xisbiga WADDANI kaanbayaanay ollo ugu soo bixin g/ saalix,balse ay u yimadeen wacyigelin dhanka diiwaangelinta codbixiyaasha ah” “Waxaan u socono ollole maaha ,waxa weeye diiwaangelinta in aanana la idinka badin,dadka xeebuhu wey iska seexdaan ma dadaalan,maanta in aad dadaashiin, saylac maanta siday isku diiwaangelisay waa la yaabay, markaa in aad badisiin -baan rabaa,waxa kale oo aan idiin sheegayaa dalkan wuu laalaadaa  jarbuu ka laaladaa waxaa badbaaadinaya xisbiga WADDANI Iyo C/raxmaan Cirro “Ayuu yidhi Cali Aareeye.

Hangoolnews.com

Berbera/office

COMMENTS
Latest News