Hangoolnews.com
Xukumada Somaliland Oo Telefishanada Madaxa Banaan Ka Hor Istaagay Sii Daynta War Ay Leeyihiin Madax Dhaqameedka Subeer Awal
March 6, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews)xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay si badheedh u hor istaagtey in Telifiishanada  madaxa banan ee Somaliland ka hawl gala  ay  baahiyaan war ay leeyihiin    madax dhaqameedka  beesha Suber Awal oo maanta  kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa isla markaana warbaahinta la  Hadley .

Madax dhaqameedka ayaa waxaa ay xukuumda Somaliland hawda u mariyeen fariimo hajnabaad u muuqda  waxaana ay  si adag  uga hadleen madax dhaqameed  ka tirsan beeshaasi oo u xidhan xukuumada Somaliland  ka dib markii lagu eedeyey in ay masuul  ka ahayeen shaqaaqo ka dhacdey deeganka lughaya oo lagu gubay sanduuqdii diwaangalinta cod bixyaasha

Warqadan amarka diidmada  ah ee loo keenay telefiishanada ayaa waxaa ay  ka soo baxdey  xafiiska wasiirka  ku cusub wasaarada Warfaafinta Ee Mr.Cadaani  waxaana ay u muuqata arintaasi in ay xukuumadu xamili weyday hadalda ka soo yeeshay madax dhaqameedka  beeshasi

waxana warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Wararka ee Ilaysnews ay sheegayan in dalabka warqadaasi in ay soo baxdo ay wasiir Caadani ka codsadeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan Iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Muddane Solteco

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News