Hangoolnews.com
“Haddii Wasiirka Cusub ee Duulistu Burburiyo Kooxaha uu Wasiirka Madaxtooyadu ku Leeyahay Wasaaradda Afar Bilood Sii Joogi Maayo.”Mid Ka Mid ah Shaqaalaha Madaarka
March 6, 2016 - Written by Hangool News
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Hargeisa(Hangoolnews)wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore u ahaa wasiirkii hore ee duulista iyo hawada somaliland xilka wasaaradaasina hayey mudo ku siman shan sano iyo dheeraad ayaa mudadii uu joogey wasaaradaasi waxa uu u kala qaybiyey Shaqaalaha kooxo kooxo kuwaasi oo uu qaarkood u u adeegsan jirey kasoo war bixinta mid kasta oo shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaarada ka mid ah una arkayey in ay isaga kasoo hor jeedaan danahiisa shakhsiyadeed,

“Haddii Wasiirka Cusub ee duulistu Burburiyo kooxaha uu wasiirka Madaxtooyada ku leeyahay Wasaarada Duulista afar bilood sii joogi maayo.”

“Sidaasi waxa Hangoolnews u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala madaarka cigaal ee magaalada Hargeisa kaasi oo ka cudur daartey in magaciisa la Xusso”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa ay kooxahaasi si toos ah ugu gudbiyaan warbixinaha maalin laha ah iyo xaalada guud ee Madaarka iyo Wasaaradu ay ku sugan yihiin isaga oo dhinaca kale kooxahaasi uu ku dhex sameystey wasaarada duulista intii uu hayay xilka waxa uu kuwii uu u arkaayey in ay anfacayaan ula soo wareegay qaarkood aqalka Madaxtooyada Somaliland ee haatan uu wasiirka ka yahay halka uu intii hadhayna ay wali sidii ula shaqeeyaan,

Photo Fiel Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Photo Fiel Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka madaxtooyada marka laga tago shaqada wasiirka madaxtooyada ee haatan waxa uu wali si toos ah gacanta ugu hayaan Shaqadii wasaaradii laga soo badalay isaga awaamiirta siiya agaasimaha guud iyo maamulaha guud ee madaarka cigaal kuwaasi oo si dhego nugul ugu soo hubaal celiya hadba hawsha uu faro.

Shaqaale waynaha wasaarada duulista iyo hawada Somaliland ayaa walwal badan ka qaba kooxahan u adeega Wasiir Maxamuud Xaashi iyaga oo shaqaalahaasi ay baqdinta ugu badan soo food saartey tan iyo intii uu noqdey wasiirka madaxtooyada ay kana baqayaan in uu si dhib yar shaqada uga fadhiisiyo hadiiba looga gudbiyo dhaliil aanay mutaysan ama lahayn.

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News