Hangoolnews.com
Maxamed Biixi Yoonis oo aan Kasoo Xaadirin Madashii Wadahadalada Xisbiga Wadani iyo Isbahaysiga Kulmiye iyo Dareenada Ku Gadaaman
March 5, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews)wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland ahna mid ka mid ah sadexdii musharax ee qaadacay shirwaynahii shanaad ee xisbiga kulmiye Maxamed Biixi yoonis ayaan kasoo Xaadirin kulan hor dhac ah oo maanta markii ugu horeysay ku dhex Maray siyaasiyiintii isbadal doonka isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani,

photo File Kulanka isbhaysiga Iyo xisbiga Wadani

photo File Kulanka isbhaysiga Iyo xisbiga Wadani

Xogaha gaarka ah ee ay helayso Shabakada wararka Hangoolnews ayaa sheegaya in ay isku afgaran waayeen iskuna maandhaafeen isbahaysiga Kulmiye iyo Maxamed Biixi yoonis wadahadalada toos ah ee maanta u bilaabmay labadaasi dhinac.

photo File Kulanka isbhaysiga Iyo xisbiga Wadani

photo File Kulanka isbhaysiga Iyo xisbiga Wadani

Maxamed biixi yoonis ayaa maqnaashihiisani ay muujinaysaa isbahaysiga kulmiye oo aan niyad samaantii ay isku hayeen ku waarin geesta kale waxa iyaguna madasha kasoo xaadirin C/casiis Maxamed Samaale iyo Axmed Cabdi Kijaandhe oo labadooduba ahaa musharaxiintii u tartamayay xilka jagada ma

daxwaynenimo ee xisbiga kulmiye,

Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani oo garab iyo gaashaan ka raadinaaya kooxda isbadal doonka ah ayaan hadana isagu danaynin maqnaashaha sadexdaasi masuul

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News