Hangoolnews.com
Maxaa Dan Ah Ee Ugu Jiray Furitaanka Isgaadhsiinta Saaxil Gudoomiye Cirro Ee Uu Ku Baaqay?
March 5, 2016 - Written by Hangool News

Maxay Tahay Sababta Ka Dambaysa In Xisbiga Waddani Ka Muquurto Aaskii Taliye Casayr

Ee Hadoorkii Qarannimada Jeclaa Kulmiyey

Qorshihii Xisbiga waddani ka ka lahaa Gobolka saaxil oo dhicisoobay ka dib markii la soo afjaray mooradii cakirnayd ee ka taagnayd gobolkaas oo ka dhalatay dilkii allah hanaxariistee taliye casayr oo ay qudhgooyeen maleeshiyo nabadiid ah xisbiga muraacadka ah ee waddani ayaa isagu u mushraxadayey qorshe uu danmoodayey oo uu miiska saartay waxaana dhawaaqyo su,aalo dhaliyeen ka soo yeedheen Horjoogaha xisbiga waddani cabdiraxmaan cirro isagoo  qorshihiisa u meeldayaya uu warbaahinta la soo fadhiistay hadal dareeno badan dhaliyey oo bulshadu siyaabo badan u fasilatay ka dib markii xukuumadu xidhay isgaadhsiintii gobolka saaxil intii lagu jiray xasilinta nabada isagoona af labadii daan ku cabaadey in isgaadhsiinta la furo ujeedka xukuumaduna ay ahayd in sidii nabad loogu soo dabaali lahaa  fawdadii cakirantay si loo soo qabto dablaydii falka gaysatay oo is gaadhsiinta looga jaro Balse waxaa is weydiin leh mudane cabdiraxmaan cirro oo ah gudoomiyaha xisbiga waddani sababta uu udalbadey in isgaadhsiinta dib loogu soo celiyo saaxil ilaa hada lama garanayo qorsha uu daaranaa hadalkiisaasi dadka qaar ayaa ufasilay in uu rabo sii socodka qaskii saaxil halka qaar kalena ay qabeen in  ay isaga dan ugu jiro sii socodka mudaharaadyadaa si doorashada dib loogu dhigo,

Photo File Gudoomiye C/raxmaan Cirro

Photo File Gudoomiye C/raxmaan Cirro

gudoomiyaha  xisbiga waddani ayaa ah musharax ka soo baxay gobolka saaxil oo laga soo doortay hadana door iyo danba waxaa unoqotay isku dhaca reer saaxil cabdiraxmaan cirro oo musharax madaxweyne u ah xisbiga waddani ayaa ah mid xiligan bulshada reer Somaliland ka dawaraya taageero uu ku fuulo qasriga Somaliland balse garan la tubtii loo mari lahaa, xisbiga waddani iyo shoofeerkooduba waxay ka muquurteen aasqaran oo loosameeyey marxuun casayr oo dablay oofsatay waxaana uu kulmiyey dhamaan haldoorka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah  bale waxaa dhego furayn kaga jawaabay musharaxa xisbiga waddani iyo xisbigiiisa halka gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani axmed muumin seed iyo koox uu horkacayaa uu dur-duro orad ku soo jiidhay magaalada berbera ka dib socdaal uu kaga soo baxay magaalada burco talaabadan labaad ayaa su,aalo badan dhalisay oo reer Somaliland siyaabo kala duwan uga jawaben halka qaar kalena jawaabo u waayeen waxaana musharaxana lagu tiriyaa mid aan daacad ka ahayn qaranimada isagoo laabta ku haysta mabda ah somaliweyn  lexe jeclo badana ka qabin dhisida qaranmida iyo naaloonta nabada lagu caano maalay  maadaamoo uu ka maqnaa halgankii dalka iyo dub u xoraynta kana mid ahaa adeegayaashii kacaankii jaale siyaad maantana bulshada ku beer laxawsanaya in uu musharax hogaamiye unoqonaya yahay  balse aanay reer Somaliland taas qabin .

Source Wargayska sahan

COMMENTS
Latest News