Hangoolnews.com
Muuse Biixi oo Mawjaddiihii Damacii Kursigu u Kaxeeyeen Muqdisho Iyo Natiijadda Ergadii la Diray
March 4, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Yool)-Warar Wargeyska Yool ka helay ilo Diblumaasiyadeed oo ku sugan mandaqada aynu ku nool nahay ee Geeska Africa, ayaa tibaaxay in Md. Maxamed Cabdilahi Cumar uu ku hungoobey kulan uu rabay inuu la yeesho Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii Madaxweyne Xasan-ka Soomaliya iska diidey inuu ka jawaabo xidhiidh dhinaca tilifoonka ah oo uu lasoo sameeyey Md. Maxamed Cabdilahi, isagoo xilliga ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Md. Maxamed Cabdilahi Cumar oo intii Xukuumadda Kulmiye tallada dalka haysay mar ahaa Wasiir arrimaha dibeda, marna ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, ayaa sida ilahani tibaaxen, waxa ujeedada socdaalkiisa Muqdisho uu daba socday ballaan uu ka haystey Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud, taasoo ahayd mid madaxweyne Xasan-ka Soomaliya u qaaday Md. Maxamed Cabdilahi intii lagu jiray Shir madaxeedka 26aad ee madaxda Midowga Africa, oo 30-kii Bishii Kobaad ee sannaadka ka furmay magaaladda Addis-sababa ee xarunta Dawladda Itobiya.

Photo file Muuse Biixi cabdi

Photo file Muuse Biixi cabdi

Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in Md. Maxamed Cabdilahi ugu fasiray Sheekh Xasan-ka Soomaliya codsiga kulanka uu ka dalbaday inuu yahay mid uu ku wanaajinayo xidhiidhada mustaqbalka ee isaga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, sidana Sheekh Xasan-ka Somaliya ku ajiibey kulankii uu ka dalbaday. Hase-yeeshee md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida xoggaha qaar sheegayan, markii uu dib ugu laabtay xarunta Fila Somaliya ee Muqdisho, waxa uu bedelay inti jaaha ama aragtidii Markii hore uu ka lahaa qorshaha Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Somaliland Md Maxamed Cabdilahi ugu soo bandhigay Magaalada Addis-sababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo Madaxweynaha Soomaliya u tagay ka qaybgalka Shirka Midowga Africa.

Geesta kale, Wararka iyo xoggaha amuurtan la xidhiidha qaarkood ayaa sheegaya in hindisaha isku dayga xidhiidhka qarsoon ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi uu ahaa mid ka yimi dhanka Wasiirkii hore ee ganacsiga Md. Maxamed Cabdilahi Cumar, oo isagu bilowgii hawsha mar uu safar uu ku yimi Magaalada Hargeysa Gudoomiyaha Xisbigiisa Kulmiye Md. Muuse Biixi usoo bandhigay inuu haysto fursad uu ku xidhiidhin karo isaga iyo Madaxweynaha Soomaliya, arrinta sida Wararku xuseen uu ka ajiibey Muj. Muuse Biixi aragtida u usoo bandhigay Md. Maxamed Cabdilahi.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashi Somaliland Dr. Maxamed Cabdilahi oo Wargeysku isku dayey inuu la xidhiidho ayaan suuro gelin, hase-ahaatee Md. Maxamed Cabdilahi oo muddo ahaa Wasiirka Khaarejiga Somaliland, waxa aakhirkii tareenka Xukuumadda Kulmiye ka degay kadib markii uu ujan-jeedhsaday dhanka Muj. Muuse markii loollanka adagi ka dhex socday isaga iyo xubno ay kamid yihiin garabka hadda la baxay Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka Kulmiye.

Mudada intii ka danbeysay Md. Maxamed Cabdilahi waxa uu noqday Siyaasi sida farawga gooni daaq ah, kaddib aakhirkiina waxa si dhameys tiran uu uga silbaday Xukuumadda Siilaanyo, xilliyadana sida uu Warbaahinta u cadeeyey waxa kala foggaanshaha isaga iyo xukuumadda uu ku sababeeyey inuu ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo, markii uu  Dr. Maxamed Cabdilahi bila camalka noqday dhawr jeer suuqa soo gashay inuu ku biirayo Asxaabta Mucaaridka ah midkood, kol haddii laga taagroonaaday saaxibkii, Xukuumaddana uu banaanka ka joogo. Hase-ahaatee, aakhirkii danbe waxa uu shaqo ka helay Hay’ad kamid ah Ururradda la ka shaqeeya arrimaha Soomaliya, taasoo sida la sheegay u sababteeda lahaa, Wasiirkii ka danbeeyey Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Source Wargayska Yool

COMMENTS
Latest News