Hangoolnews.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Xubin Ka Tirsan Xukuumadiisa Xilkii Ka Xayuubiyay
March 4, 2016 - Written by Hangool News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xilkii uu qaranka u hayay ka xayuubiyay Badhasaab Xigeenkii Gobolka Hawd Warsame Faarax

Siilaanyo-777

in kasta oo aan warbaahinta la soo gaadhsiinin, hadana waxa ay dad looga qaateen ahi u sheegeen shabakada sagalnews in xilkii laga xayuubiyay Warsame Faarax Soomaali oo muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa badhasaab Xigeenka Gobolka Hawd.

Madaxweynaha ayaa markiiba magacaabay bedelkiisii, lamana garanayo sababta uu wakhtigan madaxweynaha somaliland xilka uga xayuubiyay warsame Faarax.

Sidoo kale Mas,uulka uu Madaxwayne siilayo u magacaabay buuxinta jagadaasi ayaa waxa uu kasoo jeedaa deeganka loo yaqaan Bali-Cabane oo K a tirsan deegaanada dhinaca galbeed ee hoos yimaada gobolka Hawd iyada oo Mas,uulka xilka laga qaaday uu isaguna kasoo jeeday deegaanka Degmada Salaxley.

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News