Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Sagaal Ka Mid Dablaydii Loo Aanaynayay In Ay Ku Lug Lahaayeen Dilkii Marxuum Taliye Casayr Oo Gacanta Lagu Dhigey
March 3, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)war hada kusoo dhacay xafiiiska wararka Shabakada Hangoolnews ayaa shaaca ka qaaday in sagaal ka mid ah dablaydii loo aanaynaayey dilkii taliyihii qaybta Gobolka Saaxil Gaashaanle Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud (Casayr) ay hada gacanta ku dhigeen ciidamada amaanka Jamhuuriyada Somaliland,

Dablaydan oo tiradooda rasmiga ah ay tahay labo iyo toban qof sida ay ila xog,ogaal ah uu ka helay Hangoolnews laamaha amaanka ee ku hawlan arintaasi ayaa labo iyo tobankaasi dablayda ah sadex ka mid ah ilaa iyo hataan ayna gacanta ku dhigin ciidamada amaanka dalka,

Sagaalka qof ee haatan la qabtay ayaa waxa soo gaadhay  mid ka mid ah dhaawac kadib markii ay ciidamada amaanka iska cabin kala hor yimaadeen,

Labadii maalmood ee ugu danbeeyey ayaa waxa ay ciidamada amaanku baacsanayeen dablaydan oo gashay buuraha ku teedsan dhul-xeebeedka buuralayda ah ee gobolka Saaxil,

Geeska kale waxa iyaguna sida ay warar u dhuun daloola dhacdooyinka gobolka Saaxil sheegayaan in ay ilaa iyo haatana go,doon ku jiraan sadexda ka maqan laba iyo tobankii qof ee ay ka koobnaayeen dablayda loo aanaynaayo in ay ka danbeeyeen dilkii taliyihii qaybta gobolka Saaxil.

Waxii warar ah ee kaso kordha kala soco Hangoolnews.com

Hangoolnews.Com

Hargeisa Office

Hangoolnews@Gmail.Com

COMMENTS
Latest News