Hangoolnews.com
Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani iyo Shabakada Hangoolnews oo Xogo Dheeraad ah ka Heshay
March 3, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)Warar xog,ogaal ah oo ay helayso Shabakada Wararka Hangoolnews ayaa sheegaya in khilaaf xoogan ka dhex qarxay garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ,

Khilaafka oo mudooyinkii ugu danbeeyey huursanaa ayaa soo shaac baxay kadib soo laabashadii waftiga ee Gobolada Galbeedka Somaliland khilaafkan oo ah mid salka ku haya awood kala jiidashada Afhayeenka garabka dhalinyarada xisbiga Wadani Maxamed Sadiiq Dhame iyo sidoo kale gudoomiye kuxigeenka garabka dhalinyarada Saynab Axmed Cali oo haatan ah ku simaha Gudoomiyaha tan iyo xiligii uu is casiley gudoomiyihii garabka Dhalinyarada Maxamuud Cabdilaahi Cabd,

Photo file Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani

Photo file Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani

khilaafkan soo kala dhex galay labada mas,uul ayaa sababey in garabkii dhalinyarada ee Xisbiga Wadani uu u kala qayb samo labo kooxood oo ay kala hogaaminayaan Afhayeen iyo kusimaha gudoomiyaha garabka Dhalinyarada,

Xogaha rasmiga ah ee ay helayso shabakada Hangoolnews ka helayso ilo xog,ogaal ah oo u dhuun daloola Xisbiga  waxay sidoo kale tibaaxayaan in Afhayeenka garabka Dhalinyarad ee Xisbigaasi uu Gudoomiyaha u gudbiyey in isaga loo magacaabo gudoomiyaha maadaama ay kusimahu Gudoomiyuhu gabadh tahay isla markaana ayna ku haboonayn booska gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga hase yeeshee uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) Ganafka ku dhuftey dalabka uga yinid afhayeenka garabka dhalinyarada kuna adkaystay in ay booskaasi sii hayso Saynab Axmed Cali oo shirwaynahii garabka dhalinyarada ee horaantii sanadkii 2015 lagu qabtey Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeisa gudoomiye kuxigeen loogu doortey Saynab Axmed Cali oo haatana ah kusimaha gudoomiyaha Garabka dhalinyarada,

Hase ahaatee diidmada uu gudoomiye Ciro ka diiday dalabka afhayeenka Maxamed Sadiiq Dhame ayaa waxa ay garabkii uu hogaaminayay afhayeenka dhalinyaradu u micnaysteen in uu gudoomiye ciro u xaglinaayo dhinaca garabka kale iyada oo taasi buuq ka dhex dhalisay guud ahaanba xafiiska garabka dhalinyarada xisbiga wadani keentayna in maalmahii ugu danbeeyey ayna xafiiska kasoo xaadirin garabkii uu hogaaminaayay afhayeenka garabka dhalinyarada Maxamed Sadiiq Dhame,

Hogaanka sare ee xisbiga oo isagu mudooyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa soo afjarida khilaafkan ayaan ilaa iyo haatan ku guulaysan in ay soo afjaraan khilaafka kala irdheeyey ee ka dhashay awoodaha ay kala jiidanayaan labadaasi mas,uul ee ugu sareeya garabka dhlinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

Hangoolnews/Staff

Hargeysa/Office

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News