Hangoolnews.com
“Diinta Islaamku Lug Kuma Laha Argagaxisada” Madaxwayanaha Turkiga
March 3, 2016 - Written by Hangool News

(Hangoolnews) Madaweynaha Dalka Turkiga Raccep Tayyib Erdogan oo hadda kusugan Dalka Nigeria waxa uu sheegay inay dembi weyn tahay in diin ahaan in loo laayo shacabka.TU-620×330

Waxa uu sheegay in Dalalka ku yaalla Bariga dhexe iyo Africa ay Argagaxisadu saldhigyo waa weyn ku lahaayeen islamarkaana ay ubaahan tahay gacmo wadajir wax uga qabto.

Photo File rajap dayip ordugan Madaxwaynaha turkiga

Photo File rajap dayip ordugan Madaxwaynaha turkiga

Argagaxisadu waxay yihiin Shabkad isku xiran sidaa awgeed waxa uu meesha ka saaray Madaxweyne Erdogan in diinta islaamka iyo Argagaxisadu aysan xiriir isla laheyn.

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari,iyo Madaxweynaha Waddanka Turkiga Raccep Tayyib Erdogan ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Abuja Ee Caasimada Nigeria inay iska kaashan doonaan la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah.

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

COMMENTS
Latest News