Hangoolnews.com
Deg,Deg-Daawo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Xaqiijiyey Qabashada Dablaydii Dishey Taliye Marxuum Casayr
March 3, 2016 - Written by Hangool News

Photo File Warancade

Hargeisa (HNG) Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kana mid ah waftigii u hogaminayay madaxwayne kuxigeenka Somaliland ee u tagay Berbera xalin ta khilaafkii ka dhashay dilkii taliyaha oo hada warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu u xaqiijiyey qabashada sideed ka mid ah dablayda dilka ugu gaystay deegaanka Biyooley ee dhinabac bari ka xigta magaalada Berbera taliyihii qaybta gobolka Saaxil,

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtey sideed ka mid ah dablaydaasi isla markaana ay haatan gacanta ugu jiraan ciidamada amaanka Somaliland oo mid ka mid ahi dhaawac yahay,

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland wax uu sidoo kale xaqiijiyey in sadex ka mid ahi ay baxsadeen kuwaasi oo mid ka mid ahi ka cararay Qorigii uu sitey haatan ay hubaysan yihiin labada kale sadexdaaasi dablayda ah ee haatan baxsadey,

Wasiirka warancade waxa uu dhanka kale sheegay in haatan ay ciidamada amaanku ku dabo jiraan sadexda dablayda ka midka ah ee baxsadey,

Kooxdan la qabtey ayaa waxa la filayaa in isla caawaba la keeno xabsiga dhexe ee magaalada Mandheera.

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.Com

Hargeisa Office

Hangoolnews@Gmail.Com

COMMENTS
Latest News