Hangoolnews.com
Xukumada Somaliland Oo Xidh-xidhey Qaar Ka Mid ah Cuqaasha Gobolka Saaxil,Magacyada Salaadiinta La Xidhey
March 2, 2016 - Written by Hangool News

Berbera(Hangoolnews)Ciidanka booliska magaalada hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay saddex madax-dhaqameed oo kasoo jeeda gobolka saaxil.

Waxaana sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida ehelada labadan suldaan iyo caaqailka ay ciidanku boolisku xidheen ayaa noo sheegay inaanay ilaa hadda garanayn sababta ay xukuumadda Somaliland u xidhay madax-dhaqameedka, balse sida ay dadkani noo xaqiijiyeen waxay ay noo sheegeen inay xadhigooda laga soo amray Madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kalena wararka nasoo gaadhaya waxay intaa ku darayaan inay labadan suldaan iyo caaqilka ay lasoo xidhiidheen masuuliyiin ka tirsan dawlada oo aan magacyadoda la sheegin ayna u sheegeen inay u baxaan gobolka saaxil balse ka hor inta aanay bixin ay sii maraan saldhiga New Hargeysa ee ku yaala bariga magaalada hargeysa si ay usii raacaan ciidan balse markii ay madax-dhaqameedkani ay tageen saldhiga waxa uu taliyaha saldhigu u sheegay inay xidhan yihiin.

Si kasteba ha ahaate xadhigan salaadiinta iyo caaqilka ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay ahayd ay dabley hubaysani duleedka magaalada berberba ku dileen taliyihii ciidamada booliska ee gobolka saaxil Gaashaanle Casayr.

Gabagabadiina lama garanayo ilaa hadda sababta loo xidhay labadan suldaan iyo caaqilka.

Magacyada labada suldaan iyo caaqilka ay ciidanku xidheen ayaa ahaa

Suldaan Cismaan Sh. Ibraahin Tuullo.

Suldaan Cabdi Kariin Fariid, Iyo Caaqil Cabdillaahi Cali Ismaaciil

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News