Hangoolnews.com
Daawo-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Ka Hadlay Dilkii Taliyihii G.Saaxil iyo Xadhiga Salaadiinta Gobolkaasi
March 2, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)_Xukumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dilki taliyihii qaybta ciidanka booliska ee gobolka saaxil kaasi oo maalintii shalay ahayd ay koox dablay ah oo hubaysani ku dileen xabad toogasho ah,

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde waxa uu sheegay in dhacdadii shalay lagu dilay taliyaha ay u qab qabteen salaadinta iyo cuqaasha gobolka Saaxil kuwaasi oo uu xaqiijiyey wasiirku in ay dhamaan xudhan yihiin,

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay xukumada ahaa gacan kuso dhigi doonan gacan ku dhiigalayaashii ka danbeeyey dilkii taliye marxuum casayr,

Dhianaca kale wafti uu hogaaminaayo Madaxwayne kuxigeenka Somaliland ayaa manta ka anbabay magaalada Hargeisa iyaga oo kusii jeeda magaalada berbera oo xaaladeeda amaan aad u kacsan tahay iyada oo ay waftigaasi ka mid yihiin wasiirka rimaha gudaha somaliland,

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News