Hangoolnews.com
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay Ceerigaabo Iyo Sido Kale Saraakiil Ciidan Oo Lagu Dhaawacay Mudaharaadkaasi
March 2, 2016 - Written by Hangool News

Ceerigaabo(Hangoolnews)Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falaay ayaa ka Hadley xaaladda gobolka Sanaag,gaar ahaan magaalada Ceerigaabo,halkaasi oo ay maanta ka bilaabmeen mudaharaado rabshado watey magaalada Ceerigaabo,ee gobolka Sanaag,waxaana uu sheegay in immika xaaladda gobolka Sanaag ay tahay mid aad u deggan “Marka hore gobolka Sanaag waa nabad gelyo,wax dhibaato ah immika ka jiraa ma jiro”

Sidoo kale waxaa uu Maxamed Cabdi Falaay ka Hadley waxaa uu salka ku hayey mudaharaadka maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo”Waxaa ka dhacay waxoogaa mudaharaada,mudaharaadkaasina intii u badneyd waa laga hortegey,markii danbe ayaa waxoogaa dhagax tuur ah ay ka dhaceen”

Gudoomiyahay ayaa isaga oo hadalkiisa sii wada waxaa uu yidhi

“Mudaharaadku waxaa uu ku waajahnaa oo uu ahaa taliyahaa la diley ayuunbaa kolley laga xumaa oo lagu muujinayey,aniguna runtii waan ka xumaa”Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Falaay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale magacaabay magacyada saraakiil ciidan oo ku dhaawacmey mudaharaadka maanta ka bilaabmey magaalada Ceerigaabo

“Waxoogaa dhaawaca ayaa saraakiil dhagaxaan lagu tuurey soo gaadhay,Gaashaanle Cali Cawaale Abokor,Dhamme Axmed Maxamuud Jaamac.Dhamme Cali Maxamed Siciid oo ahaa taliyaha guutida 22-naad ee ciidanka qaranka ee saldhigga saddexaad,markaa wax kale oo ay wax soo gaadheen illaa hadda ma ogin,arrintuna waxay ka kacday marxuumkaa”Ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Geesta kale waxaa uu guddoomiyuhu ka codsadey dadweynaha reer Ceerigaabo inay nabadda ilaaaliyaan,waxaana uu hoosta ka xariiqey inay xukuumaddu ballanqaaddey inay ku daba joogta dableydii geystey dilkaasi.”Waxaan leeyahay dadweynaha,gaar ahaan reer Ceerigaabo waxaan leeyahay walaal aad iyo aad ayeynu uga xunnahay xukuumadduna way kudaba jirtaa,ballanna way ku qaaddey iney meel ay ku jiraanba oo ay kusugan yihiin la soo qabto,markaa is-dejiya oo nabadgelyada innoo wada ilaaliya”Ayuu yidhi Guddoomiye Falaay.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News