Hangoolnews.com
Deg.Deg Maydkii Marxuumka Oo La Isla Afgartey In Maalinta Barri Ah La Aaso Waan-Waan Dheer Kadib
March 2, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews) wararka naga soo gaadhaya magaalada berbera ayaa sheegaya in lagu heshiiyey in la aaso maydka marxuum cabdirisaaq yusuf maxamuud (casayr) oo ahaa taliyihii qaybta Gobolka saaxil isla markaana ay shalay koox dablay ah oo hubaysani ku dileen gobolkaasi,

Wararka ayaa sheegaya in heshiiska hor dhaca ah ee laga gaadhey kiiska dilkaasi uu yahay in maalinta bari ah hadii alle yidhaahdo la aaso marxuumka,

Xaalada gobolka saaxil ayaa kacsanayd tan iyo markii maalintii shalay ahayd la dilay taliyiii qaybta gobolkaasi hase yeeshee heshiiskan hordhaca ah ayaa yimi kadib markii ay gobolkasi gaadheen wafti uu hogaaminaayo madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo iskugu jirey laamaha dawlada oo kala duwan iyada oo dhianaca kalena la xidh-xidhay Salaadiin cuqaal iyo Sidoo kale dad loo tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi lagu dilay marxuum cabdirisaaq yusuf maxamuud (casayr)

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News