Hangoolnews.com
Xisbiga Kulmiye oo Sheegay in ay Wadahadalo la Fureen Isabahaysigii ka Cadhoodey Shirwaynihii Shanaad ee Xisbigaasi
February 29, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews/29.02.2016)Xog,haya guud ee xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa sheegay in ay wadaan wada hadalo kala duwan oo ay la galeen xisbi ahaan kooxdii la magic baxdey isbahaysiga dimuqraadi doonka xisbiga kulmiye ee ka cadhoodey shirwaynahii shanaad ee lagu soo doortay musgharaxiinta doorashada 2017,

Xog,hayab guud ee kulmiye waxa uu waraysigan ku sheegay in qaar ka mid ah xubnhaasi ay ku guulaysteen in ay soo xero galiyaan halka qaar jkalena ay haatan hadalo kala duwan u socdaan Xasan Siciid xoghaya guud ee kulmiye oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii.

photo file Xasan Siciid xoghaya Kulmiye

photo file Xasan Siciid xoghaya Kulmiye

“Garab naga go,ey ma jiraan Xisbiga kulmiye waa laga yaabaa arintii barigii dhawayd ee diwaan galintii caqabaduhu way iska jirayaan musharaxiin u tartamaya xisbiga way jireen oo dhowr ahaa tasina waa wax banaan oo caqabado ah amaba loolan ku saabsan arinta musharaxnimada way jirtay taasi khilaafaad iyo is eryadba waa uu ka yimaadaa meelaha qaarkood ragaasina may odhan xisbiga waanu ka baxnay haba yaraatabee wax yidhi xisbigii ayaanu ka baxnay yidhi ma jiraan,”

Geesta kale mar uu ka hadlayay sida uu xisbiga ugu diyaar garoobaayo in ay wada hadalo kale oo hor leh la galaan xubnaha isbahaysiga ayaa uu yidhi.

“Waxaanu ku talo galnay markaasi oo xisbiga mas,uulku ka saaran yahay sidii uu xisbiga dadkiisa iskugu keeni lahaa isaguna ururin lahaa ragaasna waa rag ka mid ah niinqaarka xisbiga qaarkood aas,aasayaashii xisbiga ayay ahaayeen qaarkood qaarkood miisan culus ku lahaayen Xisbiga iyo xukumadaba xisbiguna waxa uu ku talo galsan yahay in uu ururiyo iskugu yeedho rag ka mid ah imikaba ragii is afgarad ayaa laga gaadhey raga kalena wadahadalo ayaan doonaynaa in aan imika la yeelano wadahadalo hoose iyo kuwa dadbanba hadana way socdaan waxa aanan ku rajo waynahay in arintayadaasi xisbinimo ku dhamaysano iyada oo gacmaha la is haysatana xisbiga hawlahiisii qabsado kamana warwarsaninin runtii in wax kala tag ah iyo kala jab ahi meesha ka dhaco,”

Hadalka kasoo yeedhay hogaanka kulmiye ayaan ahayn kii ugu horeyey ee ay ku sheegaan in ay wada hadalo toos ah la galayaan isbahaysigii ka cadhoodey kulmiye hore ayay u sheegeen in ay la hadlayaan hase yeeshe waxba kama ay suuro galin ,

Dhawaqan manta ayaa isna kusoo beegmaya xili uu manta sheegay xuseen axmed caydiid in ay todobaadkan gudahiisa wada hadalo toos ah la furayaan hogaanka xisbiga wadani,

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News