Hangoolnews.com
Xukumada Iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Qorshaynaya In Xilkii Waabeeye Lagu Soo Xero Galiyo Xildhibaan Kijaandhe
February 28, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews/28,02,2016)warar xog ogaal ah  waxaa ay sheegayan in xukuumada Somaliland iyo gows danbeedka  xisbiga kulmiye ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay rabaan in ay ku soo xero galiyaan xildhibaan Kijaandhe oo  ka mid ahaa isbaheysigii kulmiye iyo masuulyiin kale oo ka tirsan isbaheysiga,

Xogaha soo baxay ayaa qeexaya  in  gaws danbeedka xisbiga kulmiye  iyo  masuuliyiin ka tirsan xukuumada siilanyo ay wadaan qorshe ay ku soo xero galinayaan xildhibaan Kijaandhe iyaga oo ku baayacey hadii uu mabdiisa isbaheysiga kulmiye  ka tanaasulo in  ay ku abaal marin doona gudoomiye ku xigeenka Saddexad ee xisbiga kulmiye oo uu hore u hayey Xildhiban Waabeye oo isna ka mid ah isbaheysiga Kulmiye,

Photo File isbaysiga kulmiye

Photo File isbaysiga kulmiye

Xubnahan ka socda xukuumada siilanyo iyo xisbigeeda Kulmiye  ee wada dhaq dhaqaqyadan ayaa waxaa ay isku qanciyeen in Xildhibaan Waabeeye oo isagu xilkani bayactanka ku jira  xisbiga u hayey aanu niyad u  haynin iyaga oo ku sababeeyey in xildhibaan waabeeye aanu kasban Karin reerka uu kaso jeedo maadaama uu reerkiisu leeyahay musharax madaxwayne, isla markaana ay haboon tahay in ay mansabkaasi xubno kale ku xod xodtaan

Lama garan karo in xildhibaan kijaandhe uu xilkaasi qaadan doono iyo in uu ganafka ku dhufan doono

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News