Hangoolnews.com
Muuse Biixi Oo Madaxwayne Siilaanyo Ka Dalbaday In General Nuux Ismaacil Taani Loo Magacaabo Taliyaha Ciidanka Milatariga
February 28, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews/28,02,2016)Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ah musharaxa madaxwyne ee xisbiga kulmiye mudane Muuse Biix Cabdi ayaa madaxwaynaha Somaliland ka codsadey in Generaal Nuux Ismaaciil Taani loo magacaabo taliyaha guud ee ciidamada milatariga Somaliland,

Dalabkan uu gudoomiye Muuse Biixi kala hadlaya madaxwayne Siilanyo ayuu uga goleeyahay inuu taageero kaga doono gobolka Gabiley uu kasoo jeedo Gen, Nuux ismaaciil taani,

Photo file Muuse Biixi cabdi

Photo file Muuse Biixi cabdi

Xogo hoose oo ay heshay shabakada wararka Hangoolnews ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu madaxwaynaha ku qanciyey in ay raas,ahaan isku dhow yihiin taliyaha haatan gacanta ku haya ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale taasi badalekeedana ay magacaabistan uu ku raadinaayo hanashada codadka gobolka Gabiley,

Dhinaca kale xogtan ay heshay Hangoolnews ayaa tibaaxaysa in gudoomiyaha kulmiye arin kani ka wada hadleen odayaasha gobolka gabiley xiligii uu dhawaan socdaalka ku joogay gobolkaasi,

Gen,Nuux Ismaaciil Taani ayaa isagu mudo toban sano ku dhawaad ah ahaa taliyahya ciidanka milatariga xukumadii madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hnagoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News