Hangoolnews.com
Dagaal Xoogan oo Saaka Subax Dhex Maray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland
February 28, 2016 - Written by Hangool News
photo File Ciidanka Qaranka S/land ee Jiida Hore

photo File Ciidanka Qaranka S/land ee Jiida Hore

Dixin(Hangoolnews/28,02,2016) Dagaal culus ayaa Saaka Hirtii Waabari Ka Bilowday Duleedka Deegaanka Dixin Ee gobolka Sool

Waxana Weerarka Soo Qaadeey Maleeshiyaadka Maamulka Puntland Waxaana Halkaas Ka Dhacay Dagaal Qadhaadh Oo Khasaare Xoogan Dhaliyay

Dagaalka Ayaa Waxaa Isaga Horyimi Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Puntland Waxaana Sida Wararku Tilmaamayaan Halkaas Laysku Waydaarsadey Hubka Culculus Waxaana Dagaalkaas Khasaare Xoogan Kaasoo Gaadhey Kuwa Maleeshiyada Puntland

Goob Jooge Kusugan Degaanka Dixin Ee Gobolka Sool Oo Aanu La Xidhiidhey Ayaa Sheegaya In Ciidamada Qaranka Somaliland Ay Weerarkaas Iska Caabiyeen Isla Markaana Ay Halkaas Kaga Gubeen Laba Gaadhi Oo Kuwa Dagaalka Ah .

Shacabka Degaanka Dixin Ayaa Ciidamada Qaranka Somaliland Ku Taageeray Iska Caabinta Ay Kala Hortageen Maleeshiyada Puntland Ee Halkaas Weerarka Kusoo Qaadey Waxaana Gabi Ahaanba Ciidamada Maamulka Puntland Kasoo Gaadhey Khasaare Xoogan Oo Isugu Jira Naf Iyo Maal

Ninka Ugu Magacaaban Maamulka Puntland Cumar Faraweyne Oo Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Maamulka Puntland Uwaramey Ayaa Ku Doodey In Dhaaman Degaanada Gobolka Sool Ay Ka Mid Yahiin Dhulka Ay Maamusho Maamulka Xasarada Badan Ee Puntland

Xiisada Ayaa Hadda Kacsan Waxaana Wararka laga Helayso Degaanka Dixin Ee Gobolka Sool Ay Sheegayaan In Uu Halkaas Gurmad Xoogan Ka Socda Isla Markaana Ay Shacabka Degaanada Gobolka Sool Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Ku Garab Taagan Yihiin Difaaca Dalkooda Iyo Dadkoodaba Dhanka Maamulka Puntland Ayaa Lagu Soo Waramayaa Iney Halkaas Soo Dhoobeen Ciidamo Tiro Badan

Hangoolnews.com

Laascanod/Office

Hangoolnewsgmail.com

COMMENTS
Latest News