Hangoolnews.com
Al-shabaab Oo Xalay Mar Kale Hoobiyayaal Ku Garaacday Goobo Ka Mid Ah Muqdisho
February 28, 2016 - Written by Hangool News

Muqdisho(Hangoolnews/28,02,2016)Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Xerada Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa, iyadoo dagaal muddo saacad ku dhow socday uu dhex maray ciidamada AMISOM ee fadhisiinka ku leh xeradaas iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Photo File Alshabaab

Photo File Alshabaab

Hubka la isku weydaarsanayay oo u badnaa madaafiicda garbaha laga tuuro iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa laga maqlayay xaafadaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM iyo talisyada kale ee ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkan.

Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku sheegtay in weerarkan ay la eegatay xerada Maslaxa, ayna ku garaaceen madaafiic kuwa garbaha laga tuuro.

Xerada Maslaxa oo ku taala waqooyiga bari Muqdisho ayaa waxaa uu noqonayaa weerarkii u horeeyay ee toos ah Al-Shabaab ku qaadaan muddooyinkan.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay maalmihii la soo dhaafay weerarada ay ka geysanayeen magaalada Muqdisho, iyadoo habeen hore qaraxyo la beegsaday agagaarka Hotel SYL iyo Beerta Nabadda, waxaana khamiistii hoobiyeyaal ku soo tuureen Madaxtooyada, taasoo ay dad rayid ah oo isku qoys ahaa ku geeriyoodeen.

Muqdisho/office

COMMENTS
Latest News