Hangoolnews.com
Sheekh Aadan Siiro Oo Khilaafyada Ka Tagaan Degaanada Ceel-gardi, Waqooyiga Hargaysa Iyo Buhoodle In Looga Gol leeyahay Muddo Kordhin.
February 27, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Murannada ka taagan Deegaannada Waqooyiga Magaalada Hargeysa iyo Mushkiladda Siyaasadeed ee Muddada dheer ka jirta Deegaannada Buuhoodle, waxaanu Xukuumadda kula talinayey in la soo ururiyo Murannada Dalka ka taagan, maaddaama oo Dalku meel Xasaasiya marayo.

Aadan Siiro

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Wada tashigu u leeyahay Bulshada Muslimka ah iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Arrin walba wax laga waydiiyo Cidda ay khuseyso ee Ehelka u ah, ayaa sidoo kalena ka digay in lala tashado Cid aan aaminsanayn Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

Sheekha oo arrimahaa ku dabaqaya Axaadiista ka Sugnaaday Rasuulkeenna Suubban ee Muxamed (CSW), ayaa yidhi, “Rasuulku wuxuu yidhi Qofka Amiira ee Magacaaba Qof uu ogyahay inuu jiro Qof ka Wanaagsan oo ka khayr badan oo Shaqadaa uga Wanaagsan ILAAHAY hortiisa ayuu taagan yahay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in Talada Reer Somaliland iyo Guud ahaan Muslimiintu aanay ahayn Talo Cid gaar ahi leedahay, sidaa daraadeed ay muhiim tahay in Cidda ay khuseyso waxa laga waydiiyo oo lagala tashado, “Talada Muslimiinta marka la jarayo Maaha Talo Kooxi leedahay, Maaha Talo Gobolka Maroodi-jeex leeyahay, Maaha talo laba Gobol leeyihiin, waa talo ka dhaxeysa Ummaddaa Somaliland la yidhaahdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo oo Tusaale u soo qaadanaya Dad uu sheegay in aanay aaminsanayn Qadiyadda Somaliland oo haddana arrimaheeda ka hadla ama lagala tashado, “Waxaan aad ula yaabaa Dad laga hayo Qoraal iyo Hadal ah in aanay Somaliland ogoleyn oo aanay ku Qanacsanayn, ayaad haddana arkaysaa isagoo ka talinaya Qadiyadda Somaliland, markaa haddii aanu Somalilandba ku Qanacsanayn sideed talo uga weydiin markaa. Qofka markaad waxaa kala tashaneyso waa inuu noqdaa Qof Caqligiisu Saliim yahay oo Caafimaad qaba.”

Sheekha oo sii hadlaya, ayaa isbarbar dhigay Sida Dalalka Gaalada ee Maraykanku ugu weyn yahay u leeyihiin Guddiyo gaar ah oo Go’aannadooda lagu dhaqmo, halka Muslimiintana kuwa aqoonta iyo Garashada lagu tuhmayo lagu tacadiyo oo la xidh-xidho, “Maraykanku wuxuu leeyahay Koox ay ka soo min-guuriyeen Ahlu Shuurihii Cumar Binu Khadaab, kooxdaasi fulinta iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka kuma jiraan ee waxa loo yeedhaa marka Xaaladda Maraykanku adkaato, sida marka Doorashooyinka oo kale la isku qabsado, dabadeedna Go’aanka ay qaataan baa la qaataa, halka Muslimiintu Qofka wax soo kordhiya ay leeyihiin Innaga Reeba. Masar Dadka ku xidhan ee Aqoontoodu ka sareyso Master Degree waxa lagu qiyaasay 10.000. waxa Maalin walba la garaacayaa Dhakhaatiirtii iyo Fiisigistayaashii, jeelashana waxa ku dhintay kala badh aqoonyahannadaa.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) waxa kale oo uu ka hadlay Muranka Dhul ee ka taagan Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex iyo meelo kale oo Somaliland ah, isagoo xusay in Murannadan oo kordhaya ay qayb ka yihiin Qorshayaal fulintoodu timaaddo marka Doorashooyinku soo dhawaadaan si Muddo kordhin loogu sameeyo Maamulka Talada haya, “Maalmahan Somaliland waxa ka jiray dhacdooyin, waxaanu Maamulka kula talinayaa wax ka weydiiya Arrimaha jira Dadka ay khuseyso, wakhtiga Doorashooyinku jiraan khilaafaadka ayaa la kordhiyaa oo Muddooyin kordhin baa jirta. Waxa la odhanayaa Waqooyiga (Hargeysa) waxaas ayaa ka jira, Berbera koonaheeda waxaasaa ka taagan, Buuhoodle ayaa dhaqdhaqaajinteeda ayaa badan, waayo? Marka Mushkiladuhu bataan ayaa kooxihii ku takhasusay marka Muddo kordhinta la samaynayo ayaa gogol-xaadh u samaynaya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland, “Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Khilaafaadka soo yareeya, waxaad ku yareynsaysaan inaad la tashataan Dadka Caqliga, Cilmiga iyo Wanaagga lagu tuhmayo ee Arrimahaasi khuseeyaan la tashada, laakiin haddaad wax ka waydiiso Nin Kursi raadinaya, Waayo? Qofkaasi arrinka wuxuu ku eegayaa Maslaxaddiisa.”

Ugu dambeyn, Sheekhu wuxuu ku taliyey in laga wada shaqeeyo sidii Biyaha Roobka loo xidhi lahaa, waxaanu yidhi, “Xukuumadda waxaanu leenahay Qorshaheenna ha laga dhigo inaynu biyaha Roobka qabanno dhibaato ayaa ina haysata’e. waa inaynu Dhaamam xidhnaa Dadka iyo Xooluhu ku badbaadaan.”

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News