Hangoolnews.com
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Amray in Shaqaalaha Golahu u Ololeeyaan Xisbigiisa Waddani
February 27, 2016 - Written by Hangool News

cirro

Hargeisa(Hangoolnews-27,02,2016)Shaqaalaha golaha wakiilada soomaaliland ayaa culays xoogan lagu saaray in ay u ololeeyaan xisbiga mucaaridka ah ee waddani

Ka dib markii guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) si dad-ban iyo si toosaba uu u faray shaqaalaha golahaasi in ay u ololeeyaan xisbigiisa Waddani

“haddii aad xafiiska Waddani toddobaadkiiba tagi waydo laba cisho cadaadis shaqo ayaa dareemaysaa” siddaasi waxa yidhi qaar ka mida shaqaalaha golaha wakiilada oo la hadlay shabakada wararka ee Hangoolnews geesta kale shaqaalaha ayaa qariyay magacyadooda iyagoo walaac xoogan ka muujiyay in haddii la ogaaday ay ka cabsi qabaan in ay shaqadooda waayaan,

Golaha wakiilada somaaliland ayaa waxaa ka taagan xaalada adag oo soo waajahday shaqaalaha golahaasi, waxaanay ku tiraabeen: “Guddoomiyahu waa waddani xoghayaha guud ee golahuna waa waddani haddii uu ololayn waayana shaqadiisa ayuu waayayaa, ma jirto waxaanu yeelno oo aan ahayn in aanu xurunta waddani iska xaadarino” ayay haddalkoodii ku soo af-meereen.

Dhacdan ay warbaahinta Hangoolnews soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha golahu ayaa ah mid ku cusub hawlaha shaqo ee golaha wakiilada iyo guud ahaanba nidaamka shaqalenimo arintan oo xoriyadii ka qaaday shaqaale waynahii ka hawl galayay golahaasi wakiilada Somaliland

Hangool/Staff

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News