Hangoolnews.com
Ma Dhab-baa In Dib u Dhigii Dorashada Somaliland La Xidhiidhay Doorashada Somalia Ka Dhacaysa
February 26, 2016 - Written by Hangool News

(Hangoolnews)Barnaamij lagu falanqaynayay arimaha Somaliya ee News Markers aya sheegay in diblomaasiyiin reer galbeed ahi u xaqiijiyeen inay ku cadaadiyeen Somaliland in doorashada dib loo dhigo si loo soo horumariyo doorashada Federalka Somalia.Simon-doorashada-Somaliland-Federaal-740x391

Suxufi Simon Allison oo barnaamijkan ka qayb qaadanayay ayaa sheegay in diblumaasiyiin reer galbeed ahi u xaqiijiyiin in doorashada Somaliland sababihii dib loogu dhigay ahayd doorashada Federalka Somalia.

Barnaamijka News Makers oo ka baxay telefishinka TRT ayaa lagaga hadlay doorashooyinka soo socda iyo waliba xoogaga shisheeye iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku sugan ee saameyn ku yeelan kara doorashooyinka Somalia

Qaar ka mid ah Mucaaridka Somaliland ayaa hore u sheegay in sababta doorashada Somaliland dib loogu dhigay ay la xidhiidhay doorashada la filayo inay ka dhacdo Federaalka Soomaaliya dhamaadka sanadka.

Dalalka qaadhaanbixiyayaasha ayaa inta badan Somaliland u yimaada arimaha doorashada iyo sidii loo heli lahaa doorasho xol iyo xalaal ah oo ka dhacda Somaliland.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News