Hangoolnews.com
Deg Deg Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka Oo Madaxwayne cusub Doortey
February 26, 2016 - Written by Hangool News

inf

(Hangoolnews)Xubnaha Xidhiidhk kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa wada wareeggii labaad ee codbixinta ay ku dooranayaan madaxwaynaha cusub ee ururka.

ff

Gianni Infantino ee dalka Switzerland iyo Sheekh Salman-ka Baxrain, oo ka mid ah afarta musharax ayaa helay inta badan codadka la dhiibtay.

Codadaka lagu tartmayaa waa 207 waxaana loo kala helay sidan waregii koobaad Gianni Infantino 88 ,Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa ayaa helay 85.Amiir Cali bin al-Hussein 27, Jerome Champagne toddoba cod.

Mushraxa shanaad, Tokyo Sexwale ee Koonfur Afrika, ayaa ka hadhay tartanka ka hor inta aan la bilaabin codbixinta.

Horay, ayaa kulan Zurich ay ku yeelatay FIFA, waxaa lagu ansixiyay isbadallo looga gol leeyahay in lagu sugo doorasho cad oo cadaalad ah si looga hortago musuqmaasuqa.

Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in waqti kooban loo qabto xubnaha la doorto oo uu ku jiro madaxwaynaha, oo awoodiisana la dhimi doono.

COMMENTS
Latest News