Hangoolnews.com
Wasiiro Xukumada Ka Tirsan Oo La Ogaadey In Ay Ku Lug Lahaayeen Weerarkii Lagu Qaadey Goobtii Diwan Galinta Ee Degmada Lughaya
February 24, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)Dablaydii hubaysanayd ee weerarka ku qaaday deegaanada haadayta oo ka tirsan Degmada Lughaya xili ay ka socotey  diiwaangelinta codbixintu,ayaa la sheegayaa inay ahayaa kuwo ay soo abaabuleen wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo masuulyiin kale oo tirsan xukuumadda siilaanyo,isla markaana ay qarashka hubka iyo weliba gaadiidka  ay ku fuliyeen falkii foosha xumaa ee lagu weeraray goobta ay diiwaangelinto ka socotay ee ka tirsanayd degmada lughaya todobaadkii hore,halkaas oo qalabkii wax lagu diiwaangelinayey qaateen, iyagoo khasaarena u geystay gaadiidkii goobta yaala ee ka shaqaynayey diiwaangelinta,waxaana xusid mudan inay hal qof uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

Xukuumadda somaliland, ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigtey dablaydii weerarka ku qaaday goobta kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 16 nin iyo hubkii ay siteen iyo gaddii shan ah oo ay wateen, waxaanaay ciidamada boolisku sheegeen inay hoggaaminayeen dablaydaasi weerarka qaaday  laba suldaan oo ka soo jeeda beesha sacad muuse,kuwaas oo lagu kala sheegay suldaan Mawliid Sabayso iyo suldaan ibraahin Sulub Nuur,waxaana xusid mudan in ay xukuumadda somaliland ku dhawaaqday keliya inay gacanta ku soo dhigeen dabladaa kor ku xusayn ee falkii lagu weerar goobta diiwaangelintu ka socotey fuliysay, balse xukuumadda ayaa ilaa hadda afka ka xidhatay in ay sharciga hor geyso oo maxakamada si deg deg ah loo saro,waxaanad moodaa in ka cago jiidayso arinkaasi.

Dhanka kale somalilandlive oo toohska ku haysay dhaq-dhaqaadha dhacdana foosha xun ayaa warar hoose oo aano helaynaa noo sheegayaan in hadda ay waddo xukuumaddu qorshe lagu siidaynayo ragii falkaasi fuliyey, waxaanay wararku intaasi ku dareen in gaadiidkii ay wateen oo ahaa baaburta qaaliga ah in badhkood ay ka baxeen gacanta ciidanka booliska oo la siidaayey,waxaana xusid mudan in hadda au ciidamada Boolisku hakad geliyeen baadhitaankii falgaasi ka dib markii uu lagalay qasariga madaxtooyada iyo wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo iyadu ka dambaysa falkaasi isla markaana la sheegayo ina baaburta lagu fuliyey weerarkaasi wax ku lahayd.

Arinka ayaa ku soo beegmay xili uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi kormeer ku marayeeyey deeganada gobolada galbeedka dalka,waxaana la sheegay inay kooxda ka soo horjeeda Musharaxnimad Muuse Biixi Cabdi oo Samsam kow-ka tahay falkan u abaabuleen sidii aya ugu xumayn lahayeen Mujaahid Muuse Biixi, isla markaana ay weerarka ugu qadeen goobtaasi,iyadoo lagaga wada dheregsan yahay inuu hoggaamiyaha kooxdan dablayad ah ee weerarka qaaday Suldaan Mawliid Sabayso uu aad uga soo horjeeday musharax Muuse Biixi.

Si kastaba ha ahatee weerarkan lagu qaaday goobta ay diiwaabgelintu ka socotey ee Degmada Lughaya ayaa ahaa mid lagu xumanayo Muujaahid Muuse Biixi Cabdi,iyadoo ay abaabuleen koox ay hormood u tahay Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan,waxaanu ahaa mid lagu colaysiinayo beesha Samaroon iyo beesha uu ka soo jeeda musharaxa xisbiga kulmiye

Hargeysa/office

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News