Hangoolnews.com
Wasaarada duulista oo sheegtay in rakaabkii diyaaradaha ee ka degi jirey muqdisho ay usoo wareegeen madaarka hargeisa kadib qaraxii daallo
February 24, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa sheegay in madaarka caalamiga ah ee Cigaal ay ka soo dagaan dadkii hore uga dagi jiray dalka Somaliya qaraxii diyaaradda Daallo garoonka Muqdisho loogu gaystay darteed.

Agaasimaha wasaaradda Duulista iyo gaadiidka cirka Somaliland Md Cumar Cabdillaahi Aadan(Cumar-Sayid) oo u waramay wargayska dawlada ee Dawan ayaa sheegay in madaarka caalamiga ah ee Cigaal mashquul noqday tan iyo markii madaarka Muqdisho lagu qarxiyay diyaaraddii Daallo ee rakaabka siday,waxaanu tilmaamay in dad badan oo ka dagi jiray madaarka Muqdisho dhinacan u soo wareegeen.

agaasimaha-duulista

 “Horta Saamaynta ay keentay waxay tahay in Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee Caasimadda Somaliland uu noqday madaarka kaliya ee ay ka soo degaan dhammaan duulimaadyadii tegi jiray Garoonka Muqdisho ee Soomaaliya oo dhacdadii weerarka Daallo ee ka dhacday ka dib ay shirkaduhu ka wareegeen oo ay ku dhiiran waayeen taasina waxay garoonka  ku soo kordhisay duulimaadyo badan oo markii hore Muqdisho tegi  jiray waxaanu maanta Garoonku yahay madaarka kaliya ee ay ka soo wada degaan kana dhoofaan dadkii Soomaaliya ka degi jiray ama ka dhoofi jiray”ayuu yidhi Md Cumar-Sayid agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Somaliland.

Agaasimaha Duulista Somaliland MD Cumar-Sayid waxa uu sheegay in garoonka Cigaal ku xidhan yahay dalalka Geeska Afrika isla markaana duulimaadyo joogto ah la wadaago.

“Waxaa kale oo uu Madaarku ku xidhan yahay dalalka Geeska Afrika oo wuxuu duulimaadyo joogto ah la wadaagaa dalalka Itoobiya,Jabuuti,Kenya iyo dalalka Carabta oo illaa Sucuudiga ayaa dadkii  uu Muqdisho ka dejinayay halkan(Cigaal) soo mariya.markaa mashquul ayay taasi keentay in dhankayaga aanu kor u qaadno ammaanka guud ee garoonka iyo ka dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya taasoo ay dadwaynaha aanu u adeegnaana si wanaagsan u soo dhaweeyeen kuna qanceen sida wanaagsan ee Madaarka Cigaal uu u shaqaynayo iyo nabadgelyada garoonka oo ah mid la isku halayn karo,wax  dhibaato ah oo ay dadku kala kulmaan garoonka oo aan ahayn kor u qaadista ammaankooduna ma jirto taana waxaan leeyahay aan ka wada shaqayno oo nabad gelyadiina iyo bad-qabka dhoofkiina ayaa ku jira baadhitaanka ee u dul qaata.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo gaadiidka Cirka Somaliland.

Agaassimaha wasaaradda Duulista iyo gaadiidka cirka Somaliland Cumar-Sayid ayaa sheegay in diyaarado caalami ah soo codsadeen inay duulimaadyo ka bilaabaan garoonka Caalamiga ah ee Hargeysa.

 “Waxaa jirta in shirkadda Turkish Airweys in ay naga soo codsatay in ay Madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo ka dib markii ay yimaadeen ee ay ku qanceen hannaanka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin,waxaanan eegaynaa duulimaadka shirkadda  soo kordhaysa waxay Somaliland ku soo kordhinayso iyo faa’iidada qaranka ugu jirta iyo sida aanay khasaare ugu keenayn ganacsiga shirkadaha wadaniga ah ee dhawr iyo labaatanka sanno dalka u soo adeegayay oo iyaga laftoodu u baahan in laga ilaaliyo in ay khasaaraan ama suuqa laga saaro,waxaanan u eegnaa shirkadda soo kordhaysa rakaabka ay u baahan tahay, inta maalmood ee ay duulimadyo samaynayso iyo suuqa ay soo kordhinayso markaa walli jawaab maanu siin,imikaba shirkadda Imaraadku  waxay todobaadkii duulimaadyo samaysaa afar maalmood si shirkadaha kale iyo iyadu aanay rakaabka isugu cidhiidhyin.”ayuu yidhi Md Cumar-Sayid

Agaasimaha guud ayaa sheegay inay ka go’antahay in madaarka caalamiga ah ee Cigaal noqdo mid ku xidhan madaarada caalamiga ah ee aduun waynaha.

 “Waxaa kale oo naga go’an in Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal in uu noqdo Madaar Caalamka ku xidhan oo dunida kale iyo Somaliland isku xidha oo looga kala goosho waxaanu qorshaha Wasaaraddu uu yahay in aanu soo kordhino shirkado caalami ah oo dunida oo dhan duulimaadyo ka sameeya taasoo ay ku  jirto horumarka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba si dalalka dunida oo dhan Hargeysa loogaga safri karo dhinaca socdaalka cirka”Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-sayid

Tan iyo wakhtigii la qarxiyay diyaaradii Daallo ee garoonka Muqdisho ka kacday,waxay diyaaradaha caalamiga ahi ka baqdeen inay duulimaadyo ku tagaan garoonka Muqdisho,kuwaasi oo shirkada dhawr ahi duulimaadkii u bedeleen garoonka Hargeysa ee Somaliland.

Hangoolnews.com

Hargeysa/ofiice

COMMENTS
Latest News