Hangoolnews.com
Wasaarada Arimaha Dibada oo ka Hadashay Mas,uuliyiin ka mid ah Rugta Ganacsiga Somaliland oo ka Qayb Galay Shirkii Somaliya ee Istanbul
February 24, 2016 - Written by Hangool News
kayse

Photo file:Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Somaliland

Hargeysa(Hangoolnews) Wasiirkuxigeenka wasaarada arimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaciil (Kayse) oo manta u waramayay tv caalamiga ah ee HCTv ayaa waxa uu ka hadlay shirkii maalintii shalay ahaa ka furmay magaalada Istabul ee dalka Turkiga isla markaana loo qabtay dalka Somaliya kaasi oo ka qayb galkeeda ay qaadacday dawlada Somaliland waxaau wasiirku xigeenku faah-faahin ka bixiyey ujeedada war murtiyeed ay maalintii shalay ahayd kaso saareen ka qayb galka shirkaasi wasiirku xigeenka oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

“Nuxurkii uu wada war-murtiyeedkaygu xanbarsanaa wuu cadaa waxaanu ahaa in aananu ka qayb ahayn shirkaasi ay somaliya u qabteen qaadhaan-bixiyayaashu ee shalayto ka furmey istanbul, mawqifkayagii waanu cadayney waxaananu u cadaynay sidii kii hore ee buljimka lagu qabtey praselis ee loo qabtey somaliya iyo isna kii hore ee koomanhegan sababtii aanu ku diidnayna ahay tahay tan taanu ku diidney, sababtaasi oo ahayd in Somaliland ayna ka mid ahayn somaliya”

Wasiirka kuxigeenka oo dhinaca kale wax laga waydiiyey in Somaliland lagu casuumay shirkaasi iyo inkale ayaa ku jawaabay.

“Casuumada dee somaliya ayay beesha calaamka intooda badan somaliya maca Somaliland ayay ku darsadaan laakiinse anagu mawqifkayaga waanu cadaynay in aananu ka mid ahayn kana soo qayb galayn horena aananu uga qayb galin dib danbaysana uga qayb galaynin,”

Geesta kale su,aal ay waydiiyeen waariyayaasha HCtv oo ku saabsanayd in ay wax ka og yihiin mas,uuliyiin ka mid ah rugta ganacsiga Somaliland oo iyagu ka qayb galay shirkaasi in ay wasaarada arimaha dibada Somaliland la socoto iyo in kale ayaa ku jawaabey,

“anigu ogaalkay ma ogi wasaarada arimaha dibadu ma oga shalayna waanu u cadaynay oo waxaanu ku nidhi qofkii magacaa kaga qayb gala shirkaasi kaa hore ama kan danbe oo Somaliland ogtahay ma jirto cid Somaliland u matalaysa shirkaasina ma jirto sidaa loo cadeeyeyba Somaliland may joogin”

Wasiirku xigeenka wasaarada arimaha dibada somalilnd ayaa sidoo kale mar uu ka jawaabayay su.aal laga waydiiyey in dawlada turkigu ay wado wax ka badal lagu samaynaayo wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo somaliya ayaa yidhi

“qaabkii ayaa laga badalayaa oo doorkoodu waxa uu ahaa uun isku keena oo wada hadla imikana waxaabay usaareen ergey gaar ah hadiiba ay markaasi dawlada turkiga fari ku godnayd dee waxaanu doonaynaa in dawlado kale oo markaa nala arka ama jooga oo dhex dhexaadinta soo gala in ay ka mid noqdaan ayaa ku jirta qorshahayaga markaastaasba waa la arki hadiiba aanu dhex dhexaad ka ahayn”

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.Com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News