Hangoolnews.com
Cali Khaliif oo Xaglo-Toosiye Kaga Adkaaday Buuhoodle iyo Wasiirka Caafimaadka oo Maciinsaday Fariimo Digniin ah uu Warbaahinta u Mariyo Ina Khaliif Galaydh
February 24, 2016 - Written by Hangool News

Buuhoodle(Hangoolnews)Wasiirka wasaarada caafiimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa magaalada buuhoodle isla markaana ay ku hirdamayaan siyaasada deeganadaasi hor joogaha kooxda khaatumo cali khaliif galaydh kuna wada sugan yihiin gudaha magaaladaasi ayaa waxa ay dadka u dhuun daloola deeganadaasi oo warbaahinta Hangoolnews la xidhiidhay ay noo xaqiijityeen in cali khaliif uu dhinaca siyaasada iyo galaanka odayaasha kaga badiyey wasiirka caafimaadka Somaliland oo ay xukumada u xilsaaratay xasilinta dadka deganadaasi oo iyagu siyaasad ahaan kasoo hor jeeda maamulka Somaliland,

xaglo

Wasiirka xaglo toosiye oo tan iyo intii uu ku sugnaa magaalada buuhoodle aan badan warbaahinta la hadal ayaa waxa maalmahii ugu danbeeyey lagu arkayay tvyada isaga oo warbaahinta hanjabaado kala duwan hawada u marinayaa cali khaliif galaydh,

Shalay xili uu warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay tani tahay digniintii ugu danbaysay ee uu u firo  Cali Khaliif Galaydh kuna baaqay inuu ka waantoobi maatada uu laynayo waxaana uu yidhi.

“Dad baa fahmay nabadu waxay tahay, dad baa jira doonaya nabad inay kuu nolaadaan intay nool yihiin waayo colaada waynu naqaanaa, sidaasoo kalena waxa jira dad colaad u taagan oo doonaya colaadii iyo mugdigii inay deegaanadan kusoo celiyaan, kuwo hadlay oo maato doox ku baaqay ayaa jira oo colaad xun ku baaqay maatada la dooxayaa ee la sheegayaana waa hooyada, hadii lays jiidho cida laysla jiidhayaana waa idinka waxaanan leenahay kuwaas nabada kusoo dabaala intaana cagta idin marin”Sidaas ayuu yidhi wasiir Xaglo Toosiye

Sidoo kalena wasiir Xaglo Toosiye isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu bulshada degan magaalada buuhoodle iyo deegaanaada hoos yimaadaba ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgaliyadooda cidnana aanay ka ogalaan inay khal khal galiyaan waxaana uu yidhi.

“waxaan idinku baqayaa inaydaan cidna ka yeelin inuu nabadiina qasso, waxaanan bulshada deegaanadan ka rabnaa inay ilaashadaan nabadgaliyadooda, waxaana idin baln qadaynaa aan idinkula dadaalaynaa inaan cidina nabadgaliyadiida idinka qassin. Walaahay qof bini aadama ka yeeli maayo nabadaan helay ee dhisay inuu  baabiiyo idinkana waxaan idinka codsanayaa inaad ilaashataan oo ila shaqaysaan balanteenuna waa nabad iyo horumar cida isku dayda inay nabadiina qastana walaahay waa waxaanan cagta marinayn”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Xaglo Toosiye

 

Hangoolnews.Com

Hargeysa/Ofiice

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News