Hangoolnews.com
Wasiir Sheegay in ayna Xukumada Haatan Talada Haysa Diyaar u ahayn Ansixinta Gobolka Gabiley
February 23, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews) Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha gudaha Jaamac Cabdillaahi Biin, iyo Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) ayaa is waydaar saday hadalo weerar iyo weerar ku celin ah.

Labadan Masuul oo ka qayb galay Xaflad ay xilka kula kala wareegayeen Badhasaabkii hore Gobolka Gabilay iyo Badhasaabka Cusub ayaa hadalka u kala danbeeyay.

Waxaanay goobtaasi isku waydaarsadeen erayo aad u kala aragti fog iyada oo xildh cali gabiley uu ku dooday in xukumada looga fadhiyo meel marinta gobolka gabiley iyada oo sidoo kale jaamac c/laahi biin uu si cad u sheegay in aanay xukumada haatan dalka gacanta ku haysaa diyaar u ahayn mel marinta gobolka gabiley,

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News