Hangoolnews.com
Maxaa Laga Filan Karaa Kulan Caawa Champion League Kooxaha Arsenal V Barcelona
February 23, 2016 - Written by Hangool News

Arsenal-vs-Barcelona-702x336

Champions(HangoolSports) Kulanka: Arsenal v Barcelona

Lugta hore ee wareega 16ka Champions League

Garoonka: Emirates Stadium

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Arsenal ayaa raadineysa inay natiijo niyadsami leh ka hesho kulanka ay Barcelona soo booqaneyso caawa magaalada London iyagoo doonaya inay ka fogaadaan in markii seddexaad wareegyada kala baxa ay ku reebto kooxaha heysata Champions League lixdii sanno ee ugu danbeysay.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa laga badiyay labadii jeer kale ee ay wareegyadaan ku wajaheen Barcelona, kuwaasoo sidoo kale ku badiyay England waqtigaan oo kale tartanka sannadihii 2014 iyo 2015.

Arsenal ayaa gadaal ka soo kacday oo Barcelona ku garaacday 2-1 markii ay ku kulmeen London wareegii 16ka ee xilli ciyaareedkii 2010-11, Robin van Persie iyo Andrey Arshavin ayaa jawaab guul leh ka bixiyay goolkii uu dhaliyay qeybtii hore David Villa.

Barcelona ayaase lugtii labaad ku badisay 3-1 iyadoo Lionel Messi uu dhaliyay labo gool. Sergio Busquets ayaa rajo gaaban geliyay Arsenal markii uu gool iska dhaliyay taasoo ciyaarta mar ka dhigtay 1-1.

Xilli ciyaareedkii ka horeeyay Messi ayaa dhaliyay dhamaan afartii gool ee ay Barcelona ku badisay lugtii labaad ee wareega 8da ee ay 4-1 kaga badiyeen Arsenal. Kooxda Arsene Wenger ayaa rajo isgeliyay lugtii hore iyagoo ka soo kabsaday labo gool oo looga hormaray islamarkaanka dhigay ciyaarta barbaro 2-2 iyagoo uga mahadcelinaya gool uu dhaliyay Theo Walcott iyo rigoore uu saxiixay Cesc Fabregas.

Barca iyo Arsenal ayaa sidoo kale isku arkay finalkii 2006 ee Champions League ee ka dhacday Paris, Barcelona ayaa guul 2-1 ah ku qaaday iyadoo Samuel Eto’o iyo Juliano Balletti ay xilli danbe dhaliyeen goolal ay kaga jawaab bixinayeen goolkii ay hogaanka ku heysay Arsenal ee Sol Campbell iyadoo Arsenal ay 10 nin ku ciyaareysay markii qeybtii hore casaan laga siiyay goolhaye Jens Lehmann.

Luis Enrique ayaa shabaqa soo taabtay labada kulan ee ay labada kooxood ku kulmeen wareegii hore ee group-yada ee xilli ciyaareedkii 1999-2000. Tababaraha Barvelona ayaa shabaqa soo taabtay barbarihii 1-1 ee Camp Nou iyo guushii 4-2 ee ay ku gaareen Wembley.

Arsenal-vs-Barcelona-702×336

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Arsenal waxaa dhaawacyo kaga maqan Santi Cazorla, Gabrieal, Wilshere iyo Rosicky halka Arteta aan la ogeyn waxa dhabta ah ee uu la dhiban yahay. Theo Walcott ayaana caawa la filayaa inuu tababare Arsene Wenger ku soo bilaabo isagoo ka garab ciyaari doona Ozil iyo Sanchez kuwaasoo dhamaantood caawinaya gooldhaliye Giroud.

dhanka kale Ozil iyo Giroud waxa ay seegi karaan lugta labaad ee Camp Nou haddii ay calaamada hurdiga ah qaataan kulanka caawa, si la mid ah Joel Campbell inkastoo aan la fileynin inuu ciyaari doono caawa.

Dhanka kooxda Barcelona waxaa dhaawac muddo dheer kaga maqan Rafinha oo ka xanuunsanaya jilibka halka Arda Turan uu kulankaan ku seegayo ganaax. Gerard Pique ayaana seegi doona kulanka lugta labaad ee Camp Nou haddii calaamada hurdiga qaato caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal: Čech; Bellerín, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Ramsey, Coquelin; Walcott, Özil, Sánchez; Giroud.

Barcelona: Ter Stegen; Dani Alves, Piqué, Mascherano, Alba; Rakitić, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar.

MA OGTAHAY?

Kooxda Gunners ayaa raadineysa inay gaarto wareega 8da markii ugu horeysay tan iyo 2010.

Waxa ay u soo baxeen wareega 16ka xilli ciyaareedkii 16aad ee isku xigta waxaana ku mahadsan guushii 3-0 ee ay ka gaareen Olympiacos 9kii bishii December.

Arsenal ayaa laga badiyay lugta hore ee gurigooda seddexdii kulan ee wareega 16ka ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen FC Bayern München (2013, 2014) iyo AS Monaco FC (2015).

Kooxda ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group E ayaa ah mid ka mid ah labada kooxood ee kaliya iyadoo aan laga badinin ka soo baxay wareega group-yada.

Kooxda Catalans ayaa raadineysa inay gaarto wareega 8da Champions League xilli ciyaareedkii sagaalaad oo isku xiga.

Rikoorka ay Barcelona ka heysata kulamada ay martida u tahay kooxaha Ingariiska ma ahan mid fiican waxaa laga badiyay 14 kulan waxaana ay badiyeen 8 kulan halka 8 kulan kale ay barbaro ku galeen carada Ingariiska.

COMMENTS
Latest News