Hangoolnews.com
Dadka Danyarta ah ee ku Nool Duleed Naasa-hablood ee Magaalada Hargeysa oo Xaalad adag ku Nool baaqna u direy xukumada =+Sawiro
February 23, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews)Xaafada istaanbuul ee magaalada hargeysa oo u dhaxayssa xaafadaha kiladhka iyo  buurta naaso hablood ee magalaada hargeysa aya waxa ku nool qoysas ay tiradoodu gaadhayso ilaa 500 qoys, dadkaasi oo u badan dad dan yar ah oo aan haysan wax ku filan ama baahidooda ay ku dabooli karaan.

DSC02493

Waxa xusid mudan inaanay qoysaska xaafadda dagani aanay haysan xarumo  caafimaad, Musqulo(Suuliyo), Wadooyin dhex mara xaafadaasi,Dugsiyo waxbarasho, biyo ku filan, Iyo waliba Hoy Ay seexdaan iyadoona badiba ay dagan yihiin guryo ka samaysan buulal oo aan ka celinayn sida ay noo sheegeen  roobab iyo dabaylo toona.

Hadaba mar aan u guur kalnay inaan wax kasoo ogaano xaalada noololeed ee ay ku sugan yihiin qoysaska danyarta ah ee xaafadani degan ayaa ay noo sheegeen inay xaafadani ay dagan yihiin muddo gaadhaysa shan sanadood isla markaana inta ay halkaasi yaaleen aanay  jirin cid xukuumada Somaliland  ka tirsan oo la socota soona eegtay, kana soo war doontay  xaalada ay ku sugan yihiin,, iyada oo ayna sida ay noo sheegeen uu u soo raray xaafadani wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, sidoo kalena waxay dadkani noo sheegeen inuu dhulkan ay dagan yahiin uu asal ahaan iska leeyahay wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Hadaba hooyo Yusur Cabdi Ibraahin oo kamida qoysaska Dan’yarta ah ee dagan xaafadani ayaa noo sheegtay inay nolosha ay ku nool yihiin ay aad u adag tahay, sidoo kalena waxay noo sheegtay inaanay caruurtoodu aanay haysan dugsiyo ay wax ku bartaan iyo waliba xarumo caafimaad Waxaana ay tidhi.

“Waxaanu nahay dadka halkaa lagu ilaaway ee Xaafada Istaanbuul la yidhaa dagan,baahiyahagu way badan yihiin, Waxbarasho ma haystaan caruurtayadu, biyo nagu filan ma haysano, meel aan seexano oo roob, bacad iyo dabayl midna naga celinaysa ma haysano oo waad aragtaan meesha aan daganay, wax aan cunno ma haysano oo qoyska noogu badani waaka saddexda wakhti mid dabka wax saarta, qaar baan dabba laga shidin, xarumo caafimaad ma haysano, meeshan waxaan daganayn muddo shan sanno ah waxaanu nahay dadkii ay xooluhu abaaruhu ka laayeen oo naf baa meesha na keentay wax aan kula nool nahayna ma jirto wax intaan halkaa nalay naloo qabtay oo xukuumaddu noo qabatayna ma jirto”Sidaas ayay tidhi Hooyo Yusur cabdi Ibraahin

Dhanka kalena Hooyo Yusur Cabdi Iyadoo hadalkeeda sii watada ayaa xukumada Somaliland iyo bulshada reer Somaliland ee ku kala sugan Guddo Iyo Dibadna ka codsatay in hoos loo eego qoysaskan oo caawimo lasoo gaadhsiiyo si ay uga sammota baxaan noloshan ay ku sugan yihiin waxaana ay tidhi.

“Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta Dawladayada iyo bulshada Somaliland-ba waxaan ka codsanaynaa in hoos naloo eego oo dhibtan na haysata wax nalooga qabto oo wax nalagu taro,Ayaan u baahanay dhamaantayo dhulkan aan daganay waxa leh Cali Waran Cadde, xaalad adag Ayaan ku jirnaa”Sidaas ayay hadalkeeda kusoo koobtay Hooyo Yusur

Dhanka kalena waxa iyadana aan ka waraysanay xaalada ay ku sugan yihiin hooyo Qadiija Axmed Cali oo iyaduna ka mid qoysaska ku nool xaafadani iyada oo  noo sheegtay inay xaaladoodu ay adag tahay isla markaana ay u baahan yihiin in wax loo qabto waxaana ay tidhi.

“Hooyo baahiyahayagu way badan yihiin, oo wax aan cunno iyo waxaan aan cabno ma haysano, xukumada cid nasoo eegtay ma jirto oo waxaaban u malaynaynaa in nala ilaaway, waxaan u baahanay in xarumo caafimaad nalo dhiso, iyo suuliyo naloo dhiso, wadooyin naloo soo maro naloo dhiso dugsiyo aan caruurtayada wax ku bartaana ay xukumada noo dhisto oo hada caruurtayadu waa iska gurri joog oo waxba ma bartaan markaa waxaan ka codsanaynaa dawlada Somaliland inay dib nooso eegaan oo ay wax noo qabtaan umadda ay ka masuulka yihiin ayaanu nahaye”sidaas ayay hadalkeda kusoo koobtay qadiija Axmed Cali.

Si kasteba ha ahatee qoysaska dagan xaafadan istaanbuul oo u dhaxaysa xaafadaha Kilidhka Iyo naaso hablood ee magaalada hargeysa ayaa ah qoysas ay xaaladda ay ku sugan yihiin ay tahay mid aad u adag waxaana intii aan ku sugnayn xaafadaasi ay indhahayagu qabanayeen qoysas iyagu ay ka muuqato daruuf nololeed isla markaana u baahan in gurmad losoo fidiyo. Iyada oo ay xukuumadda Somaliland ee uu gaadhwadeenka ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay u muuqdaan kuwo indhaha ka qarsanaya xaqiiqooyinka dhabta ha ee ka jira gudaha magaalada hargeysa iyo dalka Somaliland labadaba.

DSC02495DSC02496DSC02498DSC02507DSC02509DSC025372DSC02539

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News