Hangoolnews.com
Xukumada Jabuuti oo Joojisey Duulimaadyadii uga Iman Jirey Magaalada Muqdisho
February 22, 2016 - Written by Hangool News

 Photo Jabuti Airpor

Jabuuti(Hangoolnews) Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay laga bilaabo shalay inay Jabuuti joojisay duulimaadyadii kaga imaanaayay Magaalada Muqdisho, illaa waqti aan la cayimin.

Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay ka feejigan tahay weeraro argagaxiso oo xagjiriinta ay ka gaystaan gudaha dalkeeda, sidaasi daraadeedna ay u hakisay duulimaadyadii ka imaanaayay Muqdisho.

Tani, ayaa waxay u muuqataa mid jawaab u ah digniin uu Mareykanku ka soo saaray suurtagalnimada weeraro argagaxiso oo ka dhaca wadanka Jabuuti.

Mareykanka, ayaa muwaadiniintiisa ku sugan dalkaasi ku wargeliyay inay taxadar badan muujiyaan, haddii xaalad adag la soo deristana ay la xiriiraan Safaaradda uu ku leeyahay Caasimadda Jabuuti.

Go’aanka ay qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxaa uu saamayn wayn ku yeelan doonnaa dadka ku sugan Magaalada Muqdisho, ee duulimaadyada joogtada ihi ku tagga Magaalada Djibouti.

Hangoolnews.com

Jabuuti/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News