Hangoolnews.com
SALAADIINTA GALBEEDKA IYO WOQOOYIGA HARGEYSA OO LABA CISHO U QABTAY XUKUUMADDU INAY GO’AAN KA SOO SAARTO MURANKA DEEGANADA XEEBTA HARGEYSA
February 22, 2016 - Written by Hangool News

sacad111

Hargeisa (HNG) Salaadiinta iyo Aqoonyahanka ka soo jeeda Beelaha Dega Koonfurta,Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa ayaa shalay shir ay iskugu yimaadeen Magaalada Hargeysa ka soo saaray go’aan ay kaga midaysan yihiin arinta Muranka dhulka Xeebta ee Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxa kale oo ay kaga hadleen Oday dhaqameedka Xidhan,iyagoo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u qabtay muddo laba cisho ah inay Go’aan cad ka soo saarto dhulka ka maqan Gobolka Maroodi Jeex ee Bada ku teedsan. Inkasta oo ay Xukuumaddu Culay saartay Shalay shirkani inuu qabsoomo haddana waxa Warbaahinta tafaasiil ka siiyay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Waxaanu uu yidhi “Sida aad la socotaan dadkii maanta halkan iskugu yimid oo iskugu jiray dad reer Hargeysa ah iyo dad ka kala yimid Gabiley iyo Dhinaca Xeebta ee Woqooyiga Hargeysa,waxaanu shirkan maanta halkan ugu talo galnay inaanu kaga hadalno arimihii Woqooyiga,Hase yeeshee,waxaa maanta dhacday inaanu arin kale iskugu noqono,oo aanu laba cisho ka bacdi iskugu nimaadno,oo isla halkan uun la iskugu soo noqon doono oo la faah faahin doono,waa goobihii laalaa ee Woqooyiga ee ay Qadiyaduhu ka dhaceen dhawaan ee Xeebta Gobolka Hargeysa ee Maroodi Jeex,Kolkaa waxaanu maanta ka gaabsanaynaa inaanu Maanta wax intaasi dhaafsan kaga hadalno,Sidoo kale waxaanu ka hadalnay Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Odayaasha xidhan,Laba Cisho ka bacdi ayaanu shaaci doonaa Insha Allah”.

Dhinaca kale waxa Goobta shirkaasi ka socday ee Huteel Guuleed ku dhex sugnaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade,Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland kuwaasi shir gaar ah lagalay Sulaadnka Guud ee Subeyr Awal kahor intaanu shirkaa halkaasi laga waday Furmin,waxaanay ku guulaysteen inay Suldaanka Guud Suldan Xasan ku qanciyaan inuu shirkaasi dib u dhigo Mudo laba cisho ah oo ay sheegeen inay ka soo naaqishoonayaan Hadalo dahsoonaa oo suldaanka ay gaar iskugu gunteen. Waxa sidoo kale dibada Huteel Guuleed ee Salaadiinta Subeyr Awal ku dhex sugnayd dul gaaf wareegayay Ciidamada gaarka ah ee loo carbiyay ka hortaga Mudaharaadka oo ku gaashaanaa Sunta dadka ka ilmaysiisa,iyo sidoo kale Ciidamo badan oo kuwa bilayska ah oo laga soo daad gureeyay Saldhigyada kuwaasi oo sida ka muuqatay u idmanaa inay qaadaan talaabo kasta oo suurtagal ah oo kaga timada Madaxdooda sare.

Sikastaba hanoqotee,Xaalada muranka Dhulka Doorashada ka caagan ee Xeebta oo mudo soo taxnayd ayaad moodaa inuu hadda faraha ka sii baxayo kadib markii dhawaan ay koox hubaysani weer ku qaaday diwaangalin Gobolka Awdal ka socota oo halkaasi la keenay,weerarkaasi oo ay Xukuumaddu u xidh xidhay salaadiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Beelaha Dega Woq        ooyiga,Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa. Arintan waxa dab ku sii shiday kadib markii ay Xukuumaddu Salaadiintii xidhnayd Doraad u dhaadhicisay Jeelka Madheero oo Masaafo ahaan ka fog Hargeysa kana tirsan Gobolka Saaxil, islamarkaana la geeyo oo lagu soo xidho oo qudha dadka Xukunku ku dhaco ee ay Maxkamadi xukunto arrnkaasi oo odayaashu walaac ka muujiyeen.

Hangoolnews.com

Hargeisa office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News