Hangoolnews.com
Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga Ee Jeb Bush Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Hadhay Tartanka Doorashada Madaxtinimada Mareykanka.
February 22, 2016 - Written by Hangool

Washinton(Hangoolnews)Bush oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray Tartanka is reeb reebka Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka.

Jeb-Bush

Khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa, ayaa isagoo tiiraanyo ka muuqatay waxaa uu cadeeyay inuu joojiyay ololihiisa, kadib markii uu ku guuldareystay inuu kaalin fiican ka galo Gobolka South Caroline.

Jeb Bush ayaa doonayay inuu maro wadadii ay horay u mareen aabihii iyo walaalkii oo Madaxweyne ka soo noqday Mareykanka, hase ahaatee waxaa uu la kulmay guuldaro bilowga hore ee is reeb reebka Tartanka Musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga.

Gobolka South Caroline ayaa waxaa ku guuleystay musharaxa bilyaneerka ah ee Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump isagoo helay in kabadan 32%, waxaana kaalinta labaad galay Senator Marco Robio, halka uu kaalinta saddexaad galay Senator Ted Cruz.

Sidoo kale Xoghayihii hore ee Mareykanka Hillary Clinton oo ah Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku guuleysatay doorashada Gobolka Nevada, iyadoo heshay 52%, waxaana ay ka adkaatay Senator Bernie Sanders oohelay 48%.

Gobolada Mareykanka ayaa waxaa ka socda doorashada is reeb reebka musharaxiinta Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, waxaana labada musharax ee labadaas xisbi ka soo baxa ay ku tartami doonaan doorashada guud ee Madaxweynaha Mareykanka ee dhamaadka sanadkan 2016 dhici doonta, waxaana musharixii guuleysta uu bedeli doona Madaxweynaha xilka ka sii degaya Barack Obama.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News