Hangoolnews.com
Khatarta Amni ee Ka Dhalan Karta Deeganada ay Ku Muransan Yihiin Gobolada Awdal iyo Maroodi Jeex Iyo Dhaqdhaqaaqyada Labada Dhinac
February 22, 2016 - Written by Hangool News

Hargeysa(Hangoolnews) Khilaafka xoogan ee ka dhex taagan dhulka ay ku muransanyihiin Gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal ayaa s iweyn xamaasadda ka dhalatay waxaa looga dareemaya Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, muranka Degaanadaas oo soo jiitamaayay sanadihii la soo dhaafay, waxaa hadda ladhka ku sii kiciyay kadib markii ay Dablay hubaysani weerareen goob dadka tuulada Hadeyta iska diwaangalinaayeen. Komiishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa iyagu  sheegay in tuulada Hadeyta ka tirsan tahay degmada Lughaya ee Gobolka AWDAL, laakiin Qaar kamid ah Beesha Waqooyiga Hargaysa ayaa aaminsan in tuulada Hadeyta ka tirsan tahay Gobolka Maroodi-jeex isla-markaana hoos tagto Caasimadda Hargeysa.

Photo File saladiin,lughaya

Muranadaas ayay ka dhasheen Weerar koox hubaysani ku qaadeen Goob Diwaangalineed oo ku taalay tuulada Hadeyta . Ciidamadda Booliska iyo Xukuumdda Somaliland ayaa falkaas u qab-qabtay   Suldaan Mowliid Cali Ibraahim (Sabbeyse), Suldaan Ibraahim Sulub iyo 14 qof oo kale oo Ciidammada Ammaanku gacanta ku dhigeen, waxayna Sarakiisha Boolisku sheegeen inay xubnahaas u xidheen Weerarkii lagu qaaday Goob diwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka socotay oo ku taalla tuulada Hadeyta oo Komiishanka Qaranku tilmaameen inay hoos tagto degmada Lughaya ee Gobolka AWDAL.

Muranka cakiran ee u dhaxeeya Degaanadan, waxaa eeda koobaad iska leh Xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland, kuwaas oo dhammaantod ku guul daraystay  inay wax ka qabtaan kala xadaynta Degmooyinka iyo Gobolada dalka, oo xal waara u noqon kari lahaa xaaladaha noocan oo kale ah. Geesta kale Axsaabta Siyaasadda ku tartamaaya iyo Koomiishanka Doorashooyinka ee hadda siidhiga u hayaaba waxay danbar-sanayaan dhitadii Xukuumadihii dalka soo maamulaayay oo ay ku jirto Xukuumadda hadda xilka haysaa ay uga tageen.. Sidoo kale haddii aan laga gaadhin xal waara oo lagu suuliyo khilaaf dhuleedkan waxaa ka dhalan kara khataro dabada ku haya falal ammaan darro.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News